Al Shabaab oo Degmada Jilib Ku Dishay Mas'uul Katirsanaa Maamulka 'Jubbaland'.

Sunday January 01, 2017 - 19:11:12 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Degmada Jilib Ku Dishay Mas'uul Katirsanaa Maamulka 'Jubbaland'.

    Fagaara kuyaal magaalada Jilib ee gobollada Jubbooyinka ayaa maanta gelinkii dambe lagu toogtay mas'uul katirsanaa maamulka 'Jubbaland' ee kajira magaalada Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fagaara kuyaal magaalada Jilib ee gobollada Jubbooyinka ayaa maanta gelinkii dambe lagu toogtay mas'uul katirsanaa maamulka 'Jubbaland' ee kajira magaalada Kismaayo.

Maxkamadda islaamiga wilaayada Jubbooyinka ayaa dil toogasho ah ku ridday Col.Saalax Bashiir Cumar oo ahaa lataliye sare oo katirsanaa maamulka Axmed Madoobe.

Qaadiga Maxkamadda islaamiga Jubbooyinka oo goob fagaare ah ka akhriyay xukunka lagu dilay sarkaalka ayaa sheegay in Col.Saalax gacanta ay kusoo dhigeen ciidamada Mujaahidiinta xilli uu ku sugnaa Afmadoow islamarkaana faraha kula jiray dambiyeed ka dhanka ah dadka muslimiinta.


Xarakada Al Shabaab ayaa horay u sheegtay in ay dilayso cid walba oo wada shaqeyn laleh ciidamada shisheeye ee Soomaaliya kusoo duulay haddii aysan ka towbad keenin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items