Dibad baxyo xooggan ayaa maalintii 2-aad ka socda deegaanada dhaca duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho oo ay maraan waddooyin istiraatiiji u ah dhaqaalaha dalka.
Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ayaa sheegaya in maalintii 2-aad ay shaqa
joojin kujiraan gaadiidka dadweynaha ee isaga kala goosha Muqdisho Baydhabo
illaa iyo degmada Marka.
Mid kamida darawallada gaadiidka dadweynaha ee qeybta ka ah shaqa joojinta ayaa
SomaliMeMo u sheegay in maalintii 2-aad ay dhigayaan dibad baxyo ay uga
cabanayaan isbaarooyinka faraha badan oo ay ciidanka DF-ka soo dhigteen
waddooyinka.
laga bilaabo Ex.control Afgooye illaa iyo Carbiska waxaa yaal 13 isbaaro oo
dhammaantood lacago malaayiin shilin soomaali ah looga qaadayo gaadiidka
dadweynaha.
Degmada Afgooye illaa iyo W/weyne waxaa yaal 15 isbaaro oo lacago xad dhaaf ah looga
qaadayo gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho iyo Baydhabo.
Isbaarooyinka ugu faraha badan ayaa daadsan wadada laamiga ah waana meesha ugu
daran oo ay cabashadu kajirto, maleeshiyaadka mooryaanta Dowladda Federaalka
ayaa marka ay waayeen cid mushaar siisa waxay bilaabeen in ay hantida shacabka
boobaan iyagoona mararka qaar waddooyinka ka gaysta dilal iyo kufsi.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]
Ciidanka DF-ka oo Tobaneeyo Isbaaro soo dhigtay Wadada Xiirisa Muqdisho iyo Baydhabo.
Dibad baxyo xooggan ayaa maalintii 2-aad ka socda deegaanada dhaca duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho oo ay maraan waddooyin istiraatiiji u ah dhaqaalaha dalka.