Sedax Askari oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Duleedka Degmada Luuq.

Monday January 02, 2017 - 10:55:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sedax Askari oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Duleedka Degmada Luuq.

    Wararka ka imaanaya gobollada Gedo iyo Bay ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday maleeshiyaad Soomaali Amxaara kalkaal ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobollada Gedo iyo Bay ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday maleeshiyaad Soomaali Amxaara kalkaal ah.

Weerar ka dhacay wadada xiriirisa deegaanka Yurkut iyo Luuq ayaa lagu dilay sedax askari oo katirsan DF-ka islamarkaana wada shaqeyn lalahaa ciidamada gumeysiga Itoobiya.

ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay xaqiijinayaan in ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ay wadada ugaleen Maleeshiyaaka oo kusii jeeday dhanka degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Wariye ku sugan gobolka Gedo ayaa soo sheegay in weerarka lagu dilay sedax Askari islamarkaana laga furtay qoryihii ay wateen.


Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Xarakada Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen gaarigii ay wateen ciidanka ladilay iyo agabyo kale.

Sarkaal katirsan maamulka Dowladda Federaalka ee degmada Luuq ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in weerar Askar lagu dilay uu ka dhacay duleedka Yurkut.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items