Sawirro+Faah Faahin: 30 Qof oo isugu Jira Askar iyo Saraakiil Katirsan Q.Midoobe iyo AMISOM oo Lagu Dilay Weeraradii Hotel Peace.

Monday January 02, 2017 - 18:40:12 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sawirro+Faah Faahin: 30 Qof oo isugu Jira Askar iyo Saraakiil Katirsan Q.Midoobe iyo AMISOM oo Lagu Dilay Weeraradii Hotel Peace.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro xooggan oo maanta ka dhacay meel ku dhow garoonka diyaaradaha caalamiga magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro xooggan oo maanta ka dhacay meel ku dhow garoonka diyaaradaha caalamiga magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 30 qof oo u badan saraakiil caddaan iyo Afrikaan ah ayaa ku dhintay weerarada oo ahaa kuwa mantaana ah oo mas’uuliyadooda ay sheegatay xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Weerarada oo is xigxigay ayaa beegsaday Hotel ammaankiisa si aad ah loo ilaaliyo oo kaabiga ku haya Xerada Xalane ama halka loo yaqaan (Madiina Gate) oo ah albaabka garoonka diyaaradaha ee dhanka degmada Madiina.

Ilo wareedyo mas’uul ah ayaa xaqiijiyay in qaraxyada ay ku dhinteen saraakiil sarsare oo katirsan AMISOM iyo Q.Midoobe kuwaasi oo deganaa Hoteelka Nabadda (Hotel Peace).


Xilligii weerarku dhacayay waxaa gudihiisa ku sugnaa mas’uuliyiin katirsan guddiga doorashooyinka, kor joogto caddaan ah oo ka socday Q.Midoobe iyo saraakiil katirsan Ururka Midowga Afrika.

Xarakada Al Shabaab waxay sheegtay in qaraxa koowaad uu beegsaday bar koontarool oo ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka ka ilaalinayeen Hoteelka kadibna waxaa xigay qarax kale oo loo adeegsaday gaari xamuul ah oo walxaha qarxa lagasoo buuxiyay.

War rasmi ah oo Al Shabaab ay Ku Faah Faahisay Khasaarihii qaraxyadii maanta ahaa u qornaa sidaan:-

Dhimashada gaartay AMISOM : 8 katirsan ciidanka AMISOM oo mid kamida yahay sarkaalkii haystay ciidanka Madina Gate
Dhimashada Dowladda: 14 Askari oo katirsan ciidanka Nabad sugidda+4 Askari katirsan Bangaraaft
Dhimashada Q.Midoobe: 4 shaqaalaha UN-ka katirsan
Dhaawaca AMISOM; waa 32  oo 16 kamid yihiin dhaawacyo garaab ah
Dhaawaca ciidanka Dowladda: waa 9 Askari.
Dhaawaca Shaqaalaha UN-ka: waa 3 shaqaale ah

Xarakada Al Shabaab waxay sheegtay in wadarta dhaawacyadii ka dhashay qaraxyadii maanta ay gaartay  44 oo isugu jira ciidanka dowladda federaalka,kuwa AMISOM iyo shaqaalaha UN.

Qaraxa koowaad wuxuu laayay dhammaan ciidankii ammaanka ee ilaalinayay hoteelka kadibna dagaalyahan Mujaahid istish-haadi ah ayaa gaari xambaarsanaa dhowr tan oo walxaha qarxa ah gudaha ula galay Hotelka kaasi oo sababay burbur baaxad leh.

Saraakiil u hadlay xafiiska Q.Midoobe ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in xubno katirsan howlwadeenadooda ay waxyeello kasoo gaartay qaraxa islamarkaana ay ku hoos xanibmeen burburka.

Hoteelka Maanta la beegsaday ayaa marti geliyay shirkii ugu horreeyay oo madaxda Urur goboleedka IGAD ku yeesheen magaalada Muqdisho sanaddii lasoo dhaafay.

Marka loo eegto goobta uu weerarku ka dhacay iyo gaadiidka ay adeegsatay Xarakada Al Shabaab waxay ka dhigantahay in la dhax jiiray darbigii adkaa ee Amniga kaasi oo ay dhisteen UN-ka iyo Midowga Afrika.




Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items