Koonfurta Kuuriya oo Muwaadiniinta Uga Digtay in Ay Usafraan Magaalada Muqdisho.

Tuesday January 03, 2017 - 10:58:34 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koonfurta Kuuriya oo Muwaadiniinta Uga Digtay in Ay Usafraan Magaalada Muqdisho.

    Qaar katirsan dowladaha qaaradda Asia ee isbahaysiga la ah dowladda Mareykanka ayaa walaac ballaaran ka muujinaya weerarada ka dhaca magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar katirsan dowladaha qaaradda Asia ee isbahaysiga la ah dowladda Mareykanka ayaa walaac ballaaran ka muujinaya weerarada ka dhaca magaalada Muqdisho.

Dowladda Koonfurta Kuuriya ayaa ku dhawaaqday in muwaadiniinteeda iyo dublumaasiyiinta ay ka mamnuucday in ay u safraan wadanka Soomaaliya.

War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Koonfurta Kuuriya ayaa lagu sheegay in xaalad khatar dhanka ammaanka ah ay ka jirto Soomaaliya islamarkaana dhammaan muwaadiniinta Koreian-ka ah looga digayo in ay usafraan wadamada Soomaaliya Suuriya iyo Afghanistan.

Digniintan ka timid Koonfurta Kuuriya ayaa imaanaysa xilli xarakada Al Shabaab ay sare u qaadday weerarada ka dhanka ah ciidamada shisheeye ee Soomaaliya kusoo duulay iyo maamullada dabadhilifyada ah ee taabacasan waxa loogu yeero Beesha Caalamka.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items