Weerar Lagu Dilay Ciidamo katirsan Maamulka Koonfur Galbeed Oo ka Dhacay Duleedka Degmada Bardaale.

Tuesday January 03, 2017 - 19:23:25 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Lagu Dilay Ciidamo katirsan Maamulka Koonfur Galbeed Oo ka Dhacay Duleedka Degmada Bardaale.

    Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in weerar hubeysan lagu dilay maleeshiyaad katirsanaa maamulka Shariif Sakiin ee wada shaqeynta laleh Xabashida Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in weerar hubeysan lagu dilay maleeshiyaad katirsanaa maamulka Shariif Sakiin ee wada shaqeynta laleh Xabashida Itoobiya.

Ugu yaraan 2 Askari ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerar dhabagal ah oo ay ciidamada Xarakada Al Shabaab ay ka fuliyeen deegaan dhaca duleedka degmada Bardaale.

Wariye ku sugan gobolka Bay ayaa SomaliMeMo khadka taleefanka ugu sheegay in ciidamada Al Shabaab ay askarta ladilay ka furteen laba qori AK47 ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in maleeshiyaad kale oo katirsan maamulka ‘Koonfur galbeed’ lagu weeraray duleedka degmada Xudur balse lamasoo sheegin khasaara ka dhashay weerarkaasi.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]



Related Items