Weerar Lagu Dilay Ciidamo Boolis ah oo Ka Dhacay Wadanka Baxreyn.

Tuesday January 03, 2017 - 19:23:25 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Lagu Dilay Ciidamo Boolis ah oo Ka Dhacay Wadanka Baxreyn.

    Wararka ka imaanaya wadanka baxrayn ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay weerar qorshaysan ku qaadeen mid kamida xabsiyada ugu waaweyn wadankaasi oo ay ku xiranyihiin dadka ku eedaysan dambiyada waxa loogu yeero argagaxisada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka baxrayn ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay weerar qorshaysan ku qaadeen mid kamida xabsiyada ugu waaweyn wadankaasi oo ay ku xiranyihiin dadka ku eedaysan dambiyada waxa loogu yeero argagaxisada.

Weerarka oo ay fuliyeen maleeshiyaad shiica ah oo iiraan ay maalgeliso waxaa lala beegsaday saldhigga jow oo dhaca koonfurta wadanka baxreyn sida ay sheegeen maamulayaasha wadankaasi.

Ugu yaraan hal askari ayaa weerarka ku dhintay sedax kalane waa ay dhaawacmeen iyadoona kooxihii weerarka gaystay ay ku guuleysteen in xabsiga ay kala baxaan dhammaan maxaabiistii ku xirneed oo ku eedaysnaa dambiyada argagaxisada loogu yeero sida ay xaqiijisay wasaarada arrimaha gudaha.


Telefeshinka Ahlubeyt oo kuyaal magaalada Karbalaa ayaa bogaadiyay weerarka isagoo sheegay in weerarku najaxay waxaana telefeshinka maalgelisa xukuuumadda shiicad iraan

Wasaarada arrimaha gudaha xukuumada Baxrayn ayaa sheegtay in weerarkan ay soo abaabushay xukuumadda iiraan oo ay sheegtay in ay taageerayso wax ay ugu yeertay argagaxiso sida lagu baahiyay bogga rasmiga ah ee wasaarradu ku leedahay barta twitterka.

xukuumadda dabadhilifka Kuwait ayaa durbadiiba weerarkan si kulul u cambaaraysay waxayna ku tilmaamtay weerar halis ah oo ka dhan ah amniga qaranka dowladaha carabta.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in kooxaha shiicada ee Xabsiga Weeraray ay xoog ku furteen dhammaantii maxaabiistii ku xirneed oo cadadkooda lagu sheegay tobanaan.

Nidaamka Suniga Baxreyn ayaa kacdoon kala kulmaya dadka shiicada gaar ahaan Axzaabta siyaasadda oo taageera siyaasadeed iyo mid warbaahineed ka helaya Xukuumadda Tahran.

Sanaddii 2015 ayay Xukuumadda Manama wajahday kacdoon rabshado watay iyadoona falalkaasi qarbudaadda ah ku eedaysay dowladda Iiraan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
somalimemo@gmai.com



Related Items