25 Dagaalyahan oo Jabhadda Fatxu Shaam looga Dilay Duqeyn Diyaaradaha Mareykanka Ka Fuliyeen Waqooyiga Suuriya.

Wednesday January 04, 2017 - 09:02:30 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    25 Dagaalyahan oo Jabhadda Fatxu Shaam looga Dilay Duqeyn Diyaaradaha Mareykanka Ka Fuliyeen Waqooyiga Suuriya.

    Khasaara xooggan ayaa ka dhashay duqeymo bahalnimo ah oo diyaaradaha isbahaysiga Mareykanka ay ka fuliyeen waqooyiga wadanka Suuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir xarunta la duqeeyay
Khasaara xooggan ayaa ka dhashay duqeymo bahalnimo ah oo diyaaradaha isbahaysiga Mareykanka ay ka fuliyeen waqooyiga wadanka Suuriya.

Wararka laga helayo gobolka Idlib ayaa sheegaya in 25 dagaalyahan oo katirsan Jabhadda Fatxu Shaam ay ku shahiideen duqeymo dhanka cirka ah oo ka dhacay meel ku dhow magaalada Sarmada ee gobolka idlib.

War rasmi ah oo kasoo baxay Kooxda Jihaadiga Fatxu Shaam ayaa lagu xaqiijiyay in xarun Mujaahidiintu ku lahaayeen Sarmada ay la kulantay duqeyn ka timid dhanka isbahaysiga caalamiga ah ee Mareykanku hoggaaminayo.

Fatxu Shaam ayaa qoraal kooban oo ay ku faafisay barteeda Internetka waxay ku tiri "In kabadan 20 ayaa shahiiday kadib duqeyn uu isbahaysiga saliibiga ah uu ugeystay xarun mujaahidiintu ku lahaayeen gobolka Idlib waqooyiga Suuriya”.


Ragga Firfircoon ee soo tabiya kacdoonka Suuriya ayaa baraha Internetka ku faafiyay sawir muujinayay xarunta ay duqeeyeen diyaaradaha Mareykanka waxaana la sheegay in ugu yaraan 4 gantaal lala helay goobta.

Laba Maalmood ka hor duqeyn ka dhacday isla gobolka Idlib ayaa lagu dilay 11 dagaalyahan oo badankood ahaa Muhaajiriin caalamka isaga kala yimid kuwaasi oo kamid ahaa Jabhadda Fatxu Shaam.

Duqeymahan cadawtooyo ayaa imaanaya xilli Kooxaha Mucaaradka qunyar socodka ah ay heshiis xabad joojin ah lagaleen Nidaamka Bishaar Al-asad.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items