Ciidamada Al Shabaab oo Weerar Ku Qaaday Saldhigyo Melleteri oo kuyaal Magaalada Jowhar.

Wednesday January 04, 2017 - 09:02:30 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab oo Weerar Ku Qaaday Saldhigyo Melleteri oo kuyaal Magaalada Jowhar.

    Ciidamada Xarakada Al Shabaab Ayaa xalay dagaal culus ku qaaday degmada Jowhar oo ka mid ah magaalooyinka kujira gacanta ciidamada shisheeyaha AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xarakada Al Shabaab Ayaa xalay dagaal culus ku qaaday degmada Jowhar oo ka mid ah magaalooyinka kujira gacanta ciidamada shisheeyaha AMISOM.

Warraka ka imaanaya Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaallo culusĀ  ay ka dhaceen afaafka hore ee magaalada, ciidamada Al Shabab ayaa weerar culus ku qaaday koontaroolka Abshir Cali Guure oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan maamulka Hirshabelle kadibna waxaa bilaawday dagaal culus.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in dagaalka kadib ay ciidamada Mujaahidiinta ay la wareegeen dhammaan goobihii lagu dagaallamay oo uu kamid yahay koontaroolka Abshir Cali Guure.


Sidoo kale weerar culus ayaa lagu qaaday saldhig ay ciidamada Shisheeye ku leeyihiin gudaha magaalada Jowhar, jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay ayaa laga maqlayay magaalada Jowhar iyo deegaanada hoos yimaad.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalladii xalay ka dhacay xarunta gobolka Shabeelaha dhexe waxayna dagaalladan imaanayaan xilli ciidamada AMISOM ay bilihii lasoo dhaafay weeraro xooggan ku qabsanayeen duleedyada degmada Mahadaay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items