Cabdi Rashiid Xidig iyo Jawaari oo iskusoo Sharaxay Qabashada Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka DF-ka.

Wednesday January 04, 2017 - 19:03:14 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Cabdi Rashiid Xidig iyo Jawaari oo iskusoo Sharaxay Qabashada Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka DF-ka.

    Siyaasiyiin katirsan dowladad Federaalka islamarkaana lasoo shaqeeyay dowladaha shisheeye ee dalka kusoo duulay ayaa ku dhawaaqay in ay u taaganyihiin qabashada xilka guddoomiyaha baarlamaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiyiin katirsan dowladad Federaalka islamarkaana lasoo shaqeeyay dowladaha shisheeye ee dalka kusoo duulay ayaa ku dhawaaqay in ay u taaganyihiin qabashada xilka guddoomiyaha baarlamaanka.

Max’med Cismaan Jawaari oo horay usoo noqday guddoomiyaha baarlamaanka DF-ka ayaa ku dhawaaqay in uu yahay musharaxa u taagan qabashada xilka baarlamaanka.

Munaasabad ka dhacday Muqdisho ayuu Jawaari ku sheegay in markale uu diyaar u yahay in uu qabto xilkaas taasi oo ka dhigan in uu ciriiri kujiro mustaqbalka Shariif Sakiin ka leeyahay hoggaminta DF-ka.

Cabdi Rashiid Xidig oo isna lasoo shaqeeyay dhammaan dowladihii dalka soo maray lagasoo bilaabo xukuumadda C/llaahi Yuusuf ee xera Doofaareey lagusoo dhisay illaa xukuumada Xasan Sheekh ayaa isna shaaciyay in uu yahay musharax u taagan qabashada xilka guddoomiyaha baarlamaanka DF-ka Soomaaliya.


Haddii Xidig ku guuleysto doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka wuxuu tartanka madaxtinimada ka reebayaa Cumar Cabdi Rashiid halka guusha Jawaari ay iyana reebi doonto Shariif Sakiin oo ah siyaasi ay isku dhowyihiin dowladda Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee is reeb reebka doorashooyinka baarlamaaniga iyo kuwa madaxtinimo ee laga abaabulayo magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in bilaha soo socda ay galaan marxalad adag.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items