Qaraxyo Khasaara Dhaliyay oo Ka Dhacay Deegaano Katirsan Gobollada Sh/dhexe iyo Sh/Hoose.

Wednesday January 04, 2017 - 19:06:14 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo Khasaara Dhaliyay oo Ka Dhacay Deegaano Katirsan Gobollada Sh/dhexe iyo Sh/Hoose.

    Weeraro khasaara dhimasho iyo dhaawac ah dhaliyay ayaa ciidamo katirsan shisheeyaha AMISOM iyo dowladda Federaalka Soomaaliya lagula beegsaday deegaano katirsan labada shabeelle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore gaari laga gubay ciidanka Kenya
Weeraro khasaara dhimasho iyo dhaawac ah dhaliyay ayaa ciidamo katirsan shisheeyaha AMISOM iyo dowladda Federaalka Soomaaliya lagula beegsaday deegaano katirsan labada shabeelle.

Wararka ka imaanaya duleedka degmada Buula Mareer ayaa sheegaya in qarax miino lala helay kolonyo katirsan ciidamada AMISOM xilli ay ku socdaalayeen wadada laamiga ah ee xiriirisa Buula Mareer iyo Shalaambood.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in qaraxu uu burburiyay gaari Booyad ah oo ay wateen ciidamada Uganda ee qeybta ka ah soo duulayaasha AMISOM.

Dhammaan wixii saarnaa gaariga ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday gaariga sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.


Dhinaca kale qarax maanta gelinkii dambe ka dhacay deegaanka Miirtaqwa ee gobolka shabeelaha dhexe ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay maleeshiyaadka katirsan DF-ka.

Qaraxa oo ka dhashay miino lagu aasay goob isbaaro ah oo ay gaadiidka dadweynaha lacago baada ah uga qaadayeen waxaa ku dhintay hal Askari iyadoona askari kale dhaawacyo soo gaareen.

Weerarada qaraxyada ah ee loo adeegsado miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa halakeeyay isku socodka gaadiidka ciidanka shisheeye iyo kuwa dowladda Federaalka Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items