Kadib kulamo ballaaran oo maalmihii lasoo dhaafay deegaano katirsan gobolka Jubbada Hoose uga socday mas'uuliyiin katirsan Xarakada Al Sabaab iyo Beesha Cawramale ayaa heshiis buuxa lagu gaaray.
Kulanka oo ahaa mid socday muddo 8 maalmood ah ayaa looga hadlayay dagaallo
maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay deegaano dhaca galbeedka magaalada Kismaayo.
Dagaallada oo u dhaxeeyay maleeshiyaad katirsan Maamulka Axmed Madoobe oo kasoo
jeeda Beesha Cowramale iyo Xarakada Al Shabab ayay ugu dambeyn beesha Cawramale
ku dhawaaqday in ay ka dhantahay maleesiyaadka Maamulka 'Jubbaland' iyo ciidanka shisheeye.
Beesha Cowramala ayaa wilaayada Islaamiga Jubbooyinka la saxiixatay heshiis ka
kooban illaa 11 qodob oo dhammaantood ku saabsan colaaddii ka dhacday galbeedka
Kismaayo.
Salaadiin iyo Waxgarad katirsan Beesha Cowramale oo heshiiska saxiixay ayaa
sheegay in ay go’aan adag ka qaateen dagaallada duleedka Kismaayo oo baaritaan
dheer kadib ay ogaadeen in ay cadaw shisheeye soo abaabulay ujeedka laga
lahaana uu ahaa in lagula dagaallamo ku dhaqanka shareecada islaamka.
Sheekh Max’med Abuu Cabdalla waaliga Jubbooyinka oo kulanka khudbad dheer ka
Jeediyay ayaa sheegay in dhankooda ay fulin doonaan qodobada heshiiska isagoona
beesha Cowramale ugu baaqay in ay kasoo baxaan ballanta ay lagaleen Shabaabul
Mujaahidiin.
Halkan ka degso Nuxurka Heshiiska MP3
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]
Dhageyso: Beesha Cowramale iyo Xarakada Al Shabaab oo Heshiis Ka Gaaray Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Kismaayo.
Kadib kulamo ballaaran oo maalmihii lasoo dhaafay deegaano katirsan gobolka Jubbada Hoose uga socday mas'uuliyiin katirsan Xarakada Al Sabaab iyo Beesha Cawramale ayaa heshiis buuxa lagu gaaray.