Warar dheeraad Ah Oo Kasoo Baxay Dagaallo Ka Dhacay Deegaanka Buula Guduud Ee Duleedka Kismaayo.

Saturday January 07, 2017 - 08:02:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warar dheeraad Ah Oo Kasoo Baxay Dagaallo Ka Dhacay Deegaanka Buula Guduud Ee Duleedka Kismaayo.

    Kadib dagaallo culus oo shalay gelinkii dambe ka dhacay deegaano duleedka waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo ayaa khasaara xooggan lagu gaarsiiyay ciidamada shisheeye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib dagaallo culus oo shalay gelinkii dambe ka dhacay deegaano duleedka waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo ayaa khasaara xooggan lagu gaarsiiyay ciidamada shisheeye.



Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen deegaanada Buula Guduud iyo Yoontooy oo qiyaastii 30 KM ujira magaalad Kismaayo.

Dagaallada ayaa yimid kadib markii ciidamo isugu jiray Kenyaati iyo Mareykan ay dhaq dhaqaaq ka sameeyeen deehaanada duleedka Kismaayo kadibna waxaa dagaallo culus kala hortagay xoogag katirsan xarakada Al Shabaab.


Wariye ku sugan Jubbooyinka ayaa soo sheegay in dagaallo culus kadib ay ciidamada Xarakada Al Shabaab ku guuleysteen in ciidamada shisheeye ay ka caabiyaan deegaanka Buula Guduud.

Ugu yaraan gaari nuuca ciidanka xambaara ah ayaa lagu gubay dagaalka iyadoona khasaara dhimasho iyo dhaawac ah uu gaaray ciidanka huwanta ah.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in ciidanka cadawga uu dib ugu laabtay Jaamacadda magaalada Kismaayo oo markii hore uu kasoo duullaan tagay, ciidamada Al Shabaab ayaa si buuxda umaamulaya dhammaan deegaanadii lagu dagaallamay ee duleedka magaalada Kismaayo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items