Qarax Ciidamo Mareykan iyo Kenyan ah Lagula Beegsaday Duleedka Kismaayo.

Saturday January 07, 2017 - 13:01:16 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Qarax Ciidamo Mareykan iyo Kenyan ah Lagula Beegsaday Duleedka Kismaayo.

    Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in qarax khasaara badan dhaliyay ciidamo Mareykan iyo Kenyaati ah lagula beegsaday duleedka magaalada Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in qarax khasaara badan dhaliyay ciidamo Mareykan iyo Kenyaati ah lagula beegsaday duleedka magaalada Kismaayo.

Maanta duhurkii ayaa qarax xooggan lala helay kolonyo ciidamo huwan ah xilli ay ku socdaalayeen deegaanka Yoontooy oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo.

Warar lagu kalsoonyahay waxay xaqiijinayaan in Qaraxu uu haleelay gaari Nuuca Hamarka loo yaqaan oo ay la socdeen saraakiil Mareykan ah.

Goob Joogayaal ayaa xaqiijiyay in qaraxu uu burburiyay gaariga waxaana sheedda sare laga arkayay qaac iyo uuro madoow oo cirka isku shareeray.

Waa Maalintii 2-aad oo qaraxyo iyo dagaallo culus ka socdaan deegaanada dhaca duleedka magaalada Kismaayo.

Lasoco wixii soo kordha

Related Items