Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in weerar hubeysan lagu dilay sarkaal sare oo katirsanaa maamulka Mudug.
Maanta duhurkii ayay rag hubeysan Koonfurta Gaalkacyo ku toogteen sarkaal
katirsanaa ciidanka Canshuur Aruurinta maamulka Galmudug.
Maamulka Koonfurta Gaalkacyo ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in la dilay Col. Max’med
Gureey oo kamid ahaa saraakiisha ugu caansan qeybta lacagta maamulka uu madaxda
ka yahay Cabdi Kariim Guuleed.
Lama oga in dilka sarkaalkan uu xiriir laleeyahay dagaal beleedyadii bilihii
lasoo dhaafay gaalkacyo ku dhaxmarayay maamullada Galmudug iyo Puntland.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]
Sarkaal Katirsanaa Maamulka Galmudug oo Koonfurta Gaalkacyo lagu Dilay.
Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in weerar hubeysan lagu dilay sarkaal sare oo katirsanaa maamulka Mudug.