Jeneraal Sare oo Xukuumadda Yemen looga dilay Dagaallo Ka Dhacay Baabul Mandab.

Saturday January 07, 2017 - 19:35:14 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jeneraal Sare oo Xukuumadda Yemen looga dilay Dagaallo Ka Dhacay Baabul Mandab.

    Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay qaraxyo iyo dagaallo xooggan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollo katirsan wadanka Yemen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay qaraxyo iyo dagaallo xooggan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollo katirsan wadanka Yemen.



Wararka ka imaanaya wadanka Yemen ayaa sheegaya in qarax ka dhacay gobolka Abyen lagu dilay ugu yaraan 8 Askari oo katirsanaa ciidamada xukuumadda dabadhilifka Yemen ee taageerada ka helaysa dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in qaraxu uu haleelay isku imaatin ay ku sugnaayeen ciidamo tababar usoo gaba gaboobay waxaana jira dhaawacyo gaaray illaa iyo 15 Askari.


Dhinaca kale Hoggaamiye sare oo katirsan Melleteriga Yemen ayaa lagu dilay dagaallo culus oo ka dhacay mandiqadda Baabul Mandeb ee xeebaha Yemen.

Telefeshinka Afka Carabiga ku hadla ee Al Jazeera ayaa sheegay in weerar ay qaadeen Maleehiyaadka Xuuthiga lagu dilay Jeneraal Cumay Subeyxi oo ahaa Taliyaha guutada 3-aad ee melleteriga Yemen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Yemen ay ku dhawaaqeen duullaan melleteri oo ay Maleeshiyaadka shiicada uga xureynayaan Marin biyeedka Baabul Mandab.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items