Faah Faahin: Ciidamada Al Shabaab oo Dib Ula Wareegay Deegaanka Buula Guduud Ee Duleedka Kismaayo.

Saturday January 07, 2017 - 20:14:26 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: Ciidamada Al Shabaab oo Dib Ula Wareegay Deegaanka Buula Guduud Ee Duleedka Kismaayo.

    Warar faah faahsan ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo culus oo shalay ka dhacay deegaan dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar faah faahsan ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo culus oo shalay ka dhacay deegaan dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose.

Wararka ka imaanaya deegaanada Yoontooy iyo Buula Guduud ayaa sheegaya in maleeshiyaad taabacsan maamulka Axmed Madoobe iyo ciidamo Kenyaan ah oo dhanka cirka ay ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay dhaq dhaqaaq ka sameeyeen duleedka Kismaayo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Al Shabaab ay weerar dhabagal ah u dhigeen kolonyada ciidanka huwanta ah meel ku dhaw Buula Guduud waxaana halkaasi ka qarxay dagaal saacado badan qaatay.


Saraakiil Caddaan Mareykan ah ayaa qeyb ka ahaa dagaalka, wariye Cismaan Dhuuboow oo ku sugan Jubbooyinka ayaa SomaliMeMo khadka taleefanka ugu sheegay in ciidamada Al Shabaab ay difaacdeen Buula Guduud iyo Yoontooy isalmarkaana ciidankii cadawga huwanta ay dib ugu laabteen Jaamacadda  Kismaayo oo ay saldhig ku leeyihiin.

Qarax gaari Hamar ah ciidamada Mareykanka looga gubay ayaa la sheegay in khasaara lixaad leh uu gaarsiiyay saraakiisha ciidanka Mareykanka ah saacado kadibna calooshood u shaqeystayaasha Kenyaanka ah ayay ku amreen in ay dib uga gurtaan deegaanka Buula Guduud.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in saacado kooban kadib ay gacan ku haynta magaaladaasi ay dib ula wareegeen ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee hawada kujiray lamasoo sheegin wax duqeyn ah oo ay geysteen intii uu dagaalku socday.

Buula Guduud oo qiysaastii 30 KM dhanka waqooyi uga beegan Kismaayo waxaa si buuxda gacanta ugu haya ciidamada wilaayada Islaamiga Jubbooyinka.

Inta badan ciidanka Mareykanka iyo kuwa Kenya ayaa labadii bilba mar dhaq dhaqaaq ka sameeya duleedka Kismaayo iyagoona marwalba iska cabin adag kala kulmaya ciidamada Xarakada SHM.
.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]



Related Items