Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay dagaallo culus oo gobolka shabeelaha dhexe ku dhaxmaray ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka balse ah mooryaan shacabka dhaca.
Wararka ka imaanaya degmada Warshiikh ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka
dhaxmareen laba maleeshiyo oo kuwada sugan gudaha iyo hareeraha degmadaasi.
Dagaalka ayaa ka dhashay is qabqabsi ku aaddan gacan ku heynta goob isbaaro ah
oo gaadiidka dadweynaha looga qaado lacago baad ah.
Goob joogayaal ayaa sheegay in Afar katirsan Meydadka ciidamadii dagaallamay
lagu arkay duleedka degmada Warsheekh, dhaawacyada 10 askari ayaa loola cararay
isbitaalka Keysaneey ee duleedka magaalada Muqdisho.
Waxgaradka degmada Warsheekh ayaa warbaahinta u sheegay in isbaarooyin afar
gaaraya ay yaallaan gudaha iyo hareeraha degmada balse murunka ugu xooggan uu
ka taaganyahay isbaarada ugu dhaqaalaha badan oo taal waddo ay wada maraan
gaadiidka ka yimaada gobollada iyo gaadiidka BL-ka ee ka shaqeeya warsheekh illaa Banaadir.
Saraakiil katirsan Melleteriga DF-ka ayaa isku haaya lacago malaayiin shilin
soomaali ah oo maalin walba kasoo xarooda isbaarooyinka daadsan Warsheekh.
Bishii lasoo dhaafay ayay sidaan oo kale ciidamo isbaaralay ah ugu dagaallameen
duleedka degmada Balcad waxaana dagaalkaasi ku dhintay ugu yaraan 7 askari iyo
dad shacab ah.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]
Afar Askar oo Ku Dhimatay Dagaal Salka ku haaya gacan ku heynta isbaaro Degmada Warsheekh.
Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay dagaallo culus oo gobolka shabeelaha dhexe ku dhaxmaray ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka balse ah mooryaan shacabka dhaca.