Dowladda Itoobiya ayaa sare uqaadday xiriirka kala dhaxeeya maamulka Yahuudda ee xoogga ku haysta dhulalka muslimiinta Filasdiin.
R/wasaaraha Itoobiya Haile Mariam Dessalines ayaa sheegaya in xukuumaddiisu ay
kordhisay iskaashiga caalamiga ah ee ay laleedahay Yahuudda.
Isagoo magaalada Addis Ababa kulan kula qaadanayay Joseph Hiviln oo ah madaxa machadka Jaile ee
maamulka caalamiga Yahuudda ayuu sheegay in Itoobiya ay ‘israa’iil’ ka kaashan
doonto arrimaha amniga, isgaarsiinta, beeraha iyo xiriirka caalamiga ah.
R/wasaaraha Itoobiya ayaa Yahuudda kaga mahad celiyay sida ay u tayeeyeen
kaalmada ay siiyaan xukuumaddiisa "Itoobiya iskaashi dhan walba ah ayay la
yeelanaysaa Israa’iil ah oo ah dowlad saaxiib la ah shacabka Itoobiya” ayuu yiri
Haile Mariam.
R/wasaaraha Yahuudda ayaa sanaddii lasoo dhaafay booqasho ku tagay sedax wadan
oo dhaca bariga qaaradda Afrika kuwaasi oo kala ah Itoobiya,Uganda iyo Kenya oo
dhammaantood duullaan gardarra ah kusoo qaaday dalka Soomaaliya.
Telefeshinka Al Jazeera ayaa baahiyay in sirdoonka Yahuudda ee Mossaadka loo
yaqaan uu laama ammaanka Kenya iyo Uganda ka gacansiiyo la dagaallanka waxa
loogu yeero Argagaxisada.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]
Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Xiriir Dhan Walba ay la yeelanayso Maamulka Yahuudda.
Dowladda Itoobiya ayaa sare uqaadday xiriirka kala dhaxeeya maamulka Yahuudda ee xoogga ku haysta dhulalka muslimiinta Filasdiin.