Al Shabaab oo Askar Katirsanaa Maamulka 'Koonfur Galbeed' ku Gowracday Deegaan Katirsan Gobolka Bakool.

Monday January 09, 2017 - 18:46:46 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Askar Katirsanaa Maamulka 'Koonfur Galbeed' ku Gowracday Deegaan Katirsan Gobolka Bakool.

    Kadib howlgal ay ciidamo katirsan xarakada Al Shabaab ka fuliyeen deegaan katirsan gobolka Bakool ayay gacanta kusoo dhigeen ciidamo katirsan maamulka Shariif Sakiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib howlgal ay ciidamo katirsan xarakada Al Shabaab ka fuliyeen deegaan katirsan gobolka Bakool ayay gacanta kusoo dhigeen ciidamo katirsan maamulka Shariif Sakiin.

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ee dhaca Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar hubeysan oo ka dhacay deegaanka Dudumaale oo u dhaxeeya Xudur iyo Tayeegloow lagu dilay sedax askari.

Wariye ku sugan gobollada Bay iyo Bakool ayaa SomaliMeMo khadka taleefanka u sheegay in ciidamada oo kasoo baxay degmada Xudur islamarkaana si dhuumaalaysi ah ugu gudbi rabay magaalada Beled Weyne ay ka war heleen ciidamada Al Shabaab.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in sedaxda askari gacanta lagu dhigay kadibna ay gowraceen ciidamada Xarakada Al Shabaab, wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadan lagu dilay dudumaale ay maalmo ka hor falal isugu jira dilal iyo dhac ugeysteen dad shacab ah.

Dad ku sugan gobolka Bakool ayaa sheegay in maleeshiyaadka Amxaara kalkaalka ah ay isaga firxanayaan magaalada Xudur oo ay ku go’doonsanyihiin guutooyin katirsan ciidamada Xabashida Itoobiya.

Ciidamada ayaa iyagoo lugeynaya waxay u firxanayaan dhanka Baydhabo iyo Beled Weyne waxayna ugaarsi daran kala kulmayaan xoogaga Al Shabaab.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items