Baarlamaanka 'Galmudug' oo isku Diyaarinaya in uu Xilka ka Qaado Cabdi Kariim Guuleed.

Monday January 09, 2017 - 19:23:35 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka 'Galmudug' oo isku Diyaarinaya in uu Xilka ka Qaado Cabdi Kariim Guuleed.

    Waxaa sii xoogeystay khilaafaadka u dhaxeeya mas'uuliyiinta ugu sarraysa maamulka dbaadhilifka 'Galmudug' ee fadhigiisu yahay magaalada Cadaado bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sii xoogeystay khilaafaadka u dhaxeeya mas'uuliyiinta ugu sarraysa maamulka dbaadhilifka 'Galmudug' ee fadhigiisu yahay magaalada Cadaado bartamaha dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya Cadaado waxay sheegayaan in Baarlamaanka ‘Galmudug’ uu qarka usaaranyahay in uu xilka qaadis ku sameeyo Cabdi Kariim Xuseen Guuleed oo ku magacaaban Madaxweyne.

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka ‘Galmudug’ ayaa isugu yeeray xildhibaanada baarlamaanka waxaana la filayaa in ay xilka ka xayuubiyaan Guuleed.

Wariye ku sugan magaalada Cadaado ayaa sheegay in kala qeybsanaan daran ay soo kala dhaxgashay saraakiisha maamulka Galmudug, Guuleed oo ka jawaabaya kacdoonka isaga ka dhanka ay ayaa wareegta uu soo saaray ku sheegay in lafasaxay dhammaan golaha wasiirrada iyo xildhibaanada!.


Warar hoose waxay sheegayaan in inta badan xubanaha wasiirrada iyo xildhibaanada ay ku kacsanyihiin Guuleed oo ay ku eedeeyeen shaqa gudasho la’aan iyo in uu lunsaday dhaqaalihii loogu talagalay socodsiinta maamulka.

Cabdi Kariim Guuleed oo Xisbiga Damul Jadiid geed fadhi u ah ayaa isku arka in ‘Galmudug’ laga gaaray ujeedkii laga lahaa oo ah in xildhibaanada deegaanadaasi lagasoo doortay ay udiyaarsanyihiin in ay codka siiyaan Xasan Sheekh Maxamuud marka ay bilaabato doorashada madaxtinimada DF-ka.

Galmudug oo ah maamul dabadhilif u ah dowladda Itoobiya ayaa bilihii lasoo dhaafay la kulmayay caqabado xooggan oo turaaturro ku riday hab dhismeedkiisa sida dagaalladii uu lagalay Puntland iyo duqeyntii uu kala kulmay diyaaradaha dagaalka Mareykanka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items