Cosoble oo Shaqada Ka Fadhiisiyay Guddoomiyihii Magaalada Beled Weyne iyo Ku Xigeenkiisii.

Tuesday January 10, 2017 - 07:47:38 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cosoble oo Shaqada Ka Fadhiisiyay Guddoomiyihii Magaalada Beled Weyne iyo Ku Xigeenkiisii.

    Hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Hir-Shabelle ayaa xilka qaadis ku sameeyay maamulkii magaalada Beled Weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Hir-Shabelle ayaa xilka qaadis ku sameeyay maamulkii magaalada Beled Weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Guddoomiyihii degmada Beled Weyne iyo ku xigeenkiisi ayaa shaqada laga eryay waxaana lagu eedeeyay waxqabad la’aan iyo musuq maasuq sida ay sheegeen saraakiil ku sugan gobolka Hiiraan.

Cali C/llaahi Cosoble oo dhowaan socdaal ku tagay Beled weyne ayaa xilka qaadis ku sameeyay guddoomiyihii degmada Beledweyne Max’ed Cismaan Cabdi Qalaafoow, iyo ku-xigeenkiisii Muuse Cabdi Daahir.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in maamul cusub loo magacaabay magaalada Beled Weyne waxaana la sheegay in mas’uuliyiinta cusub ee maamulkan ay siyaasad ahaan isku dhowyihiin Cosoble.


Bishii lasoo dhaafay ee October ayuu Cali C/llaahi Cosoble xilka qaadis ku sameeyey Yuusuf Dabageed oo muddo sanada ah ku magacaawnaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items