C/Raxmaan Ibbi "Haddii aad idoorataan waxaan Xildhibaan Walba u iibin doonaa Taleefanno Casri ah"!

Tuesday January 10, 2017 - 07:47:38 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    C/Raxmaan Ibbi "Haddii aad idoorataan waxaan Xildhibaan Walba u iibin doonaa Taleefanno Casri ah"!

    Xildhibaano iyo siyaasiyiin katirsan DF-ka ayaa loolan xooggan ugu jira sidii ay ugusoo bixi lahaayeen guddoonka Baarlamaanka oo lafilayo in dhowaan la doorto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaano iyo siyaasiyiin katirsan DF-ka ayaa loolan xooggan ugu jira sidii ay ugusoo bixi lahaayeen guddoonka Baarlamaanka oo lafilayo in dhowaan la doorto.

Cabdi Raxmaan Ibbi oo kamid ah musharixiinta utaagan qabashada guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka ayaa khudbad uu shalay jeediyay wuxuu ugu baaqay xildhibaanada in isaga ay doortaan.

Ibbi ayaa ballan qaad liita u yaboohay xildhibaanada isagoo uballan qaaday in uu taleefanada IPAD-ka u iibin doono haddii ay isaga guddoomiye ku xigeen u doortaan.

"Haddii aad ii doorataan guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka boqolka maalmood ee ugu horreeya waxaan xildhibaan walba u iibin doonaa Taleefan IPAD ah oo suurtagelin doona in ajandayaasha baarlamaanka Emaillo ahaan aad u heshaanā€¯ayuu yiri Ibbi.


Cabdi Raxmaan Ibbi oo ah siyaasi dabadhilif ah oo lasoo shaqeeyay DFMG ee dalka kusoo hoggaamisay ciidamada gumeysiga Itoobiya ayaa caan ku ahaa kaalintii uu ku lug lahaa heshiiskii Kenya lagusiiyay badda Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items