Sedax Qof oo Qaar Kamid Ah Ay Sameeyeen Ficilkii Qowmu Luud oo Bu'aale Lagu Dilay.

Tuesday January 10, 2017 - 18:06:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 2
  • Share via Social Media

    Sedax Qof oo Qaar Kamid Ah Ay Sameeyeen Ficilkii Qowmu Luud oo Bu'aale Lagu Dilay.

    Maxkamadda Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ayaa xukuno kala duwan ku ridday dad lagu helay dambiyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ayaa xukuno kala duwan ku ridday dad lagu helay dambiyo.

Fagaara kuyaal magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbad dhexe waxaa maanta gelinkii dambe lagu toogtay sedax ruux oo laba kamid ah ay ku kaceen falkii qowmu luud lagu halaagay halka midka kale uu ahaa Jaasuus.

Qaadiga Maxkamadda islaamiga Jubbooyinka ayaa fagaraaha xukunnada dilalka ah ka dhacayeen ka akhriyay dambiyada lagu helay ragga la toogtay.

1- Isxaaq Abshiroow oo 20 sana jir ah iyo C/Risaaq Sheekh Cali oo 15 Jir ah ayay ciidamada Xisbada gacanta kusoo dhigeen iyagoo isku sameynaya Ficilkii Qowmu-luudka lagu yaqiinay.


2- Saciid Max’med Cali oo kamid ahaa Jawaasiista ciidamada Itoobiya ay tababareen ayaa isagoo ka tagay magaalada Kismaayo lagusoo qabtay howlgal ka dhacay duleedka degmada Baardheere.

Kadib markii maxkamadda islaamiga ah ay qaadday dacwada eedaysanayaasha ayay xukuntay waxa ay sharciga islaamka ka mutaysteen sidaasina waxaa goob fagaara ah ka sheegay qaaddiga guud ee maxkamadda.

Wariye ku sugan magaalada Bu’aale ayaa sheegay in dhammaan ragga ay maxkamadda islaamiga ah xukuntay dil toogasho ah lagula fuliyay fagaaraha weyn ee magaalada Bu’aale.

Waa Markii ugu horraysay oo xukunno nuucaan ah ay ka dhacaan magaalada xarunta u ah gobolka Jubbada dhexe tan iyo markii ay magaaladaasi gashay gacanta Xarakada Al Shabaab sanaddii 2008.

Related Items