Madaxweynihii Hore Ee Maamulka 'Galmudug' Oo Kasoo Hor Jeestay Kalsoonida ay Kala Laabteen Xildhibaanada Baarlamaanka.

Tuesday January 10, 2017 - 18:05:32 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii Hore Ee Maamulka 'Galmudug' Oo Kasoo Hor Jeestay Kalsoonida ay Kala Laabteen Xildhibaanada Baarlamaanka.

    Kadib kulan ballaaran oo ay magaalada Cadaado ku yeesheen xildhibaanada baarlamaanka maamulka 'Galmudug' ayay kalsoonida ugala laabteen Cabdi Kariim Xuseen Guuleed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib kulan ballaaran oo ay magaalada Cadaado ku yeesheen xildhibaanada baarlamaanka maamulka 'Galmudug' ayay kalsoonida ugala laabteen Cabdi Kariim Xuseen Guuleed.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayay inta badan xildhibaanada uu ka koobanyahay maamulka Galmudug isku raaceen in shaqada laga eryo Guuleed.

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka maamulka ‘Galmudug’ oo shir guddoominayay kulankii maanta ayaa ku dhawaaqay in 53 xildhibaan ay kalsoonida kala laabteen C/Kariim Guuleed.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xildhibaanada ku kulmay xarunta Badbaado ay ammaankooda ilaalinayeen ciidamo katirsan shisheeyaha AMISOM arrinkaasi oo shaki gelinayay in qorshaha Guuleed lagu Eryay ay wax ka ogeed Beesha Caalamka.


Xiisado siyaasadeed ayaa durbadiiba ka aloosmay magaalada Cadaado, war qoraal ah oo kasoo baxay madaxweynihii hore ee maamulka ‘Galmudug’ ayuu ugasoo horjeestay xilka qaadista lagu sameeyay.

Jawaabta Guuleed ayaa umuuqatay mid gaabis ah isagoona qiray in xildhibaanada ku shiray xarunta Badaado ee magaalada Cadaado aysan aheyn kuwa been abuur ah balse ay yihiin xildhibaanada rasmiga ah ee uu maamulku leeyahay.

Kalsooni kala laabashada Madaxweynihii Galmudug ayaa kusoo aadaysa xilli uu maamulkaasi qarka usaaranyahay burbur islamarkaana ay kala dareereen inta badan ciidamadii melleteriga iyo Booliska kadib markii ay waayeen lacagihii ay mushaaraadka uqaadan jireen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items