Yoweri Museveni oo Shaqada Ka Eryay Jeneral Katumba Wamala Taliyihii Ciidanka Melleteriga Kuna Bedelay Wiilkiisa.

Wednesday January 11, 2017 - 07:53:12 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yoweri Museveni oo Shaqada Ka Eryay Jeneral Katumba Wamala Taliyihii Ciidanka Melleteriga Kuna Bedelay Wiilkiisa.

    Yoweri Museveni Madaxweynaha dalka Uganda ayaa si lama filaan ah xilka qaadis ugu sameeyay Taliyihii ciidanka xoogga General Katumba Wamala oo ay siyaasad ahaan isku dhowaayeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Bidix) Jeneraal Katumba Wamala (Midig) Wiilka Moseveni.
Yoweri Museveni Madaxweynaha dalka Uganda ayaa si lama filaan ah xilka qaadis ugu sameeyay Taliyihii ciidanka xoogga General Katumba Wamala oo ay siyaasad ahaan isku dhowaayeen.



Wareegto kasoo baxday Xafiiska Museveni ayaa lagu sheegay in shaqada laga eryay General Katumba Wamala oo ahaa taliyaha guud ee ciidanka Uganda waxaana lagu bedelay Maj Gen Muhoozi Kainerugaba oo ah wiilka weyn ee Yoweri.

Gen Muhoozi ayaa maalma ka hor iska casilay xilkii uu ka haayay dowladda oo ahaa taliyaha ciidanka khaaska ah, tallaabadan ayay kooxaha mucaaradka ku tilmaameen isku day hor leh oo uu Baadari Museveni ku doonayo in wiilkiisa uu ugu diyaariyo dhaxalka madaxtinimada wadanka.



Katumba Wamala ayaa isbuucii lasoo dhaafay wuxuu socdaal ku tagay magaalooyinka Muqdisho iyo Baraawe ee dalka Soomaaliya halkaasi oo uu ku booqday ciidanka Uganda ee qeybta ka ah soo duulayaasha xasuuqa ku haaya shacabka Soomaaliyeed.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Eryidda Katumba Wamala iyo Magacaabista wiilka Museveni ay khilaaf hor leh ka dhax dhalin karto melleteriga wadankaasi.

Kaligii taliyaha Uganda maamula ayaa bahdil ku sameeyay saraakiishii ugu sarraysay melleteriga wadanka waxaana la sheegay in xilalka ugu sarreeyo xukuumadda uu u dhiibay qoyskiisa sida xaaska Museveni oo loo magacaabay wasiiradda wasaaradda waxbarashada.

Doorashooyinkii dhacay sanaddii lasoo dhaafay ayay kooxaha mucaaradka ah sheegeen in uu ku shubtay xisbiga madaxweynaha kadib markii uu xiray hoggaamiyaashii ugu caansanaa mucaaradka ee la filayay in ay ka qeyb galaan doorashada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items