Ciidamo Ka Goostay Dowladda Federaalka oo isku Dhiibay Maamulka Islaamiga Degmada Galhareeri Ee Gobolka Galguduud.

Wednesday January 11, 2017 - 07:53:12 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Ka Goostay Dowladda Federaalka oo isku Dhiibay Maamulka Islaamiga Degmada Galhareeri Ee Gobolka Galguduud.

    Munaasabad ka dhacday magaalada Galhareeri ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa lagusoo bandhigay ciidamo katirsanaa DF-ka oo si gaar ah ula shaqeynayay Xabashida Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad ka dhacday magaalada Galhareeri ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa lagusoo bandhigay ciidamo katirsanaa DF-ka oo si gaar ah ula shaqeynayay Xabashida Itoobiya.



Ciidamadan isku dhiibay xarakada Al Shabaab waxay kasoo goosteen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo ay xoog ku heystaan ciidamada Xabashida Itoobiya.

Qaar Katirsan Ciidamada oo warbaahinta kula hadlay gudaha Maxkamadda islaamiga Galhareeri ayaa ka sheekeeyay dhiaatada ciidanka Itoobiya ku hayaan dadka soomaalida ah.

Askartan ayaa dhankooda sheegay in si wanaagsan loo soo dhaweeyey oo wax dhibaata ah aysan wax dhibaata ah kala kulmin xarakada Al Shabaab, mas'uuliyiin wilaayada islaamiga Galguduud ayaa horay u sheegay in askari walba oo kasoo baxa safka cadawga shisheeye ay ulacagayn doonaan hubka ay lasoo goostaan.

Halkan Ka Dhageyso Askarta Towbadkeenayaasha Ah.

Halkaan Ka Daawo Sawirada Askarta La Soo Bandhigay.







Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items