Jawaari oo Markale Hoggaanka Uqabtay Baarlamaanka DF-ka iyo Shariif Sakiin oo ka Haray Tartanka Madaxweyne.

Wednesday January 11, 2017 - 14:14:24 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Jawaari oo Markale Hoggaanka Uqabtay Baarlamaanka DF-ka iyo Shariif Sakiin oo ka Haray Tartanka Madaxweyne.

    Waxaa goordhow lasoo gaba gabeeyay codayntii saaka ka bilaabatay xarunta baarlamaanka dowladda Federaalka oo lagu dooranayay guddoon cusub oo ay uu yeesho baarlamaanka cusub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa goordhow lasoo gaba gabeeyay codayntii saaka ka bilaabatay xarunta baarlamaanka dowladda Federaalka oo lagu dooranayay guddoon cusub oo ay uu yeesho baarlamaanka cusub.

Cismaan Cilmi Boqorre ayaa ku dhawaaqay in Cismaan Jawaari markale uu ku guuleystay doorashadii maanta dhacday wuxuuna ka adkaaday dhammaan musharixiintii la tartamaysay.

Jawaari oo taageera xooggan ka helay xildhibaanada ay soo xusheen maamullada Puntland,Hirshabelle,Jubbaland iyo Galmudug ayaa helay 159 cod halka Cabdi Rashiid Xidig oo la tartamayay uu helay 97 cod.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ururka Damul Jadiid uu ka shaqeeyay in wax isbedel ah uusan ku imaan hoggaanka Baarlamaanka DF-ka si uu liiska musharixiinta xilka madaxweynaha uu uga saaro Shariif Sakiin.


Dadka Odorrosa siyaasadda waxay sheegayaan in dib usoo laabashada Jawaari aysan macna weyn laheyn marka loo eego habacsanaantiisa siyaasadeed iyo in uusan wax weyn ka bedeli Karin doorashada lawada sugayo ee hoggaanka DF-ka.

Tusaale ahaa sanaddii 2012 doorashadii dhacda Shariif Sheekh Axmed ayaa siyaasadda soo saaray Jawaari si uu gacan uga geysto in Shariif kursiga kusoo laabto balse waxba umasoo kordhin oo doorashadii xilligaas ayaa looga adkaaday shriif waxaana ku guuleystay Xasan Gurguurte.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items