Dowladda Mareykanka oo Muwaadiniinteeda uga digtay in Ay Usafraan Soomaaliya.

Thursday January 12, 2017 - 09:15:44 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Mareykanka oo Muwaadiniinteeda uga digtay in Ay Usafraan Soomaaliya.

    War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta Mareykanka looga digayo safar ay ku tagaan dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta Mareykanka looga digayo safar ay ku tagaan dalka Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka waxay sheegtay in warbixino ay ka aruuriyeen dalka Soomaaliya ay muujiyeen khataro dhan walba ah oo soo wajahi kara dadka Mareykanka ah.

Bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadd Mareykanka ayaa lagu sheegay in xoogaga Al Shabaab ay qorshaynayaan weeraro ay ku dilaan ama ay ku Afduubtaan dadka Mareykanka ah.

Mareykanka ayaa dadkiisa uga digay in ay tagaan magaalada Muqdisho gaar ahaan isku imaatinada iyo garoonka diyaaradaha caalamiga ee caasimadda.


Sidoo kale digniinta Mareykanku soo saaray ayaa lagu sheegay in meelaha xeebaha leh ee Soomaaliya ay khatar badani kajirto oo kooxaha Burcad Badeedda ay ugaarsi ugu jiraan dad reergalbeedka ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa walaaceeda ku xoojisay in haddii weerar ay lakulmaan dadkeeda ku sugan Soomaaliya aysan heli karin gurmad degdeg ah sababa la xiriira safaarad Rasmi ah oo uusan Mareykanku ku laheyn Soomaaliya.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dhowr mar askar iyo saraakiil Mareykan ah ku beegsatay Koonfurta Soomaaliya, weerar isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka Kismaayo ayaa larumeysanyahay in ciidamo Mareykan ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen.

Mareykanka ayaa si toos ah iyo si dadban ugu lug leh duullaanka shisheeye ee lagusoo qaaday dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items