2 Askari oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Duleedka Degmada Mahadaay Ee Sh.dhexe.

Thursday January 12, 2017 - 09:15:44 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    2 Askari oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Duleedka Degmada Mahadaay Ee Sh.dhexe.

    Weerar khasaara dhaliyay ayaa maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Shabeelaha dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore Meydka Askari katirsanaa DF-ka
Weerar khasaara dhaliyay ayaa maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Shabeelaha dhexe.

Wararka ka imaanaya duleedka degmada Mahadaay ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Al Shabaab ay weerar gaadma ah ku qaadeen ciidamo katirsan maamulka Sh/dhexe uqaabilsan DF-ka.

Weerarka oo ka dhacay deegaanka War-ciise oo kala qeybiya Biya Cadde iyo Mahadaay ayaa sababay dhimashada 2 Askari iyo dhaawaca 5 kale.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in maleeshiyaadka la weeraray oo watay gaari Hoomey ah ay isku dayayeen in deegaanka War-ciise ay ka bixiyaan miino wadada hareeraheeda loogu aasay ciidamada AMISOM balse la fashiliyay.


Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in deegaankii la dagaallamay ay la wareegeen ciidamada Xarakada Al Shabaab halka maleeshiyaadka DF-ka oo wata 5 askari dhaawac ah ay ka gudbeen buundada Sabuun oo ay aadeen dhanka degmada jowhar.

Ma ahan markii ugu horraysay oo weerar khasaara dhaliyay uu ka dhaco deegaano katirsan gobolka Sh/dhexe.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items