Faah Faahin: Qarax Dhimasho iyo Dhaawac Dhaliyay oo Ka Dhacay Waqooyiga Wadanka Itoobiya.

Saturday January 14, 2017 - 08:08:47 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: Qarax Dhimasho iyo Dhaawac Dhaliyay oo Ka Dhacay Waqooyiga Wadanka Itoobiya.

    Ugu yaraan hal qof oo katirsan saraakiisha xukumadda ayaa dhintay 19 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii weerar lagu qaaday hotel kuyaal magaalada Gonder ee wadanka Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan hal qof oo katirsan saraakiisha xukumadda ayaa dhintay 19 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii weerar lagu qaaday hotel kuyaal magaalada Gonder ee wadanka Itoobiya.

Wararka ka imaanaya gobolka Amhara ee dhaca waqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay Bambaanooyin ku weerareen hotel ay deganaayeen saraakiisha dowladda Federaalka Itoobiya.

Afhayeenka rasmiga ee xukuumadda Itoobiya ayaa wakaaladda wararka Jarmalka u sheegay in hal qof oo shaqaala dowladeed ah uu dhintay islamarkaana ay dhaawacmeen 19 qof.

Dowladda Itoobiya waxay sheegtay in dadka dhaawacmay 3 sedax kamid ah ay xaaladooda caafimaad ay liidato.


Gobolka Amhara wuxuu kamid yahay meelaha ugu daran oo ay ka socdaan kacdoonada shacbiga ah ee lagu diidanyahay Taliska kaligii taliska Itoobiya.

Qarax kale oo todobaadkii hore ka dhacay magaalada Bahra Daar ee caasimadda u ah Amxaarada ayaan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay waxaana magaaladaasi kajira xaalad Bandow joogta ah sida ay sheegeen kooxaha mucaaradka ah ee xukuumadda Addis Ababa ku kacsan.

Weerarkan wuxuu imaanayaa xilli Bandaw lix bilood ah uu saaranyahay dhammaan gobollada wadanka waxayna xukuumaddu isku dayaysaa in ay soo gaba gabayso kacdoonka shacbi ee ladagay dhaqaalaha wadanka.

Isha Warka: Sharqal Awsat


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items