Sawirro: Ciidamada AMISOM oo Xaalufin Ba'an Ku Haayo Dhirta Deegaano Katirsan Gobolka Sh/dhexe.

Sunday January 15, 2017 - 11:30:35 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Sawirro: Ciidamada AMISOM oo Xaalufin Ba'an Ku Haayo Dhirta Deegaano Katirsan Gobolka Sh/dhexe.

    Dadka deegaanka iyo waxgarad ku sugan gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegay in ciidamada shisheeyaha Burundi ay xaalafin ba'an ku hayaan bay'ada gobolka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka deegaanka iyo waxgarad ku sugan gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegay in ciidamada shisheeyaha Burundi ay xaalafin ba'an ku hayaan bay'ada gobolka.



Wararka ka imaanaya Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamada gumeysiga AMISOM oo adeegsanaya Baldoosarro ay jarayaan dhirta dhulka howdka ah ee isku xira deegaanada Biya Cadde iyo Miirtaqwo oo dhanka Bari uga beegan magaalada Mahadaay.

Ciidamada shisheeye waxay baneeyeen dhul dharirkiisu yahay 3 KM waxayna baabi’iyeen dhammaan geedihii ay daaqi jireen xoolaha deegaanka.

Waxgaradka ayaa walaac ka muujiyay mustaqbalka dhulka ay baneeyeen ciidamada shisheeye waxayna sheegeen in nabaad guur uu ku bilaawday dhulka hodonka ku ah tacabka beeraha iyo daaqsinka xoolaha.



Taliska ciidanka gumeysiga AMISOM ayaa war ay soo saareen ku sheegay in ay horumarin iyo wadda falid ka sameeyeen Sh/dhexe!, arrinkaasi oo ah been abuur ay ku banaysanayaan xaalufinta dhulka Soomaaliyeed.

Waqti lagu jiro xilli Jiilaal ah ayay shisheeyuhu jaraan geedaha fara kutiriska ah ee daaqa leh oo ay kutiirsanaayeen Ariga iyo Geela.

Deegaanada xaalufinta ay ka wadaan ciidamada shisheeye bilihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacayay weeraro dhabagal ah oo ciidanka Burundi loo dhigay, dadka qaar waxay sheegayaan in AMISOM baqdin aawgeed ay dhulka howdka ah geedaha uga jaraysa sababa la xiriira cabsi ay ka qabto weeraro uga yimaad shabaabul Mujaahidiin.









Related Items