Al Shabaab oo Dagaal Kula Wareegtay Saldhig Ciidanka Puntland ku Lahaayeen Deegaanka Af-urur Ee Gobolka Bari.

Monday January 16, 2017 - 08:36:44 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Dagaal Kula Wareegtay Saldhig Ciidanka Puntland ku Lahaayeen Deegaanka Af-urur Ee Gobolka Bari.

    Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in weerar xoogan lagu qaaday deegaan ay gacanta ku hayeen maleeshiyaad katirsan maamulka 'Puntland' isku magacaabay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in weerar xoogan lagu qaaday deegaan ay gacanta ku hayeen maleeshiyaad katirsan maamulka 'Puntland' isku magacaabay.



Ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar xooggan ku qaaday saldhig melleteri oo Maleeshiyaadka Maamulka ‘Puntland’ ku lahaayeen deegaanka Af-urur oo ku dhow degmada Carmo ee gobolka Bari.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka oo bilaawday xalay 1:30 habeenimo uu soo gaaray saq dhexe saacaddu markii ay ku beegneed 3:00.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijinaya in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Af-urur iyo saldhiggii melleteri ee ciidanka Puntland ku sugnaayeen.



War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in sedax askari ay ku dileen dagaalkii xalay ka dhacay Af-urur sida ay baahisay Idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha.

Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin Maamulka Puntland oo ku aaddan khasaaraha kasoo gaaray dagaalladii xalay ka dhacay deegaanka Af-urur.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]


Related Items