30 Qof oo Ku Dhintay Diyaarad Turkiga laga Leeyahay oo Ku Burburtay Wadanka Kyrgyzstan.

Monday January 16, 2017 - 11:36:31 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1,917,396.9/5 Stars) Total Votes: 140
  • 1 1
  • Share via Social Media

    30 Qof oo Ku Dhintay Diyaarad Turkiga laga Leeyahay oo Ku Burburtay Wadanka Kyrgyzstan.

    Ugu yaraan 32 qof oo uu kujiro duuliyihii diyaaradda ayaa dhintay kadib markii diyaarad rakaab ah ay ku burburtay wadanka Kyrgyzstan ee dhaca bartamaha qaaradda Asia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 32 qof oo uu kujiro duuliyihii diyaaradda ayaa dhintay kadib markii diyaarad rakaab ah ay ku burburtay wadanka Kyrgyzstan ee dhaca bartamaha qaaradda Asia.



Wararka ka imaanaya Kyrgyzstan ayaa sheegaya in diyaarad xamuul ah oo taabacsan shirkadda duulimaadka hawada Turkish Airways ay ku dul burburtay magaalada Beshkiik ee caasimadda ah.

Mas’uul u hadlay booliska Kyrgyzstan ayaa warbaahinta u sheegay in diyaaraddu ay ku dhacday guryo ku hareeraysan garoonka diyaaradaha caalamiga Maanas.

Diyaaradda Tushikh Airways ee Burburtay ayaa ka timid wadanka Honnkok waxayna kusii jeeday magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga.



Sawirro lagu baahiyay baraha Bulshada ayaa muujinayay Holac qabsaday diyaaradda kadib markii ay burburtay, waxaana dadka ku dhintay shilka ka mid ah carruur iyo haween.

Saraakiisha laanta socdaalka Hawada wadanka Kyrgyzstan waxay sheegeen in cimillada magaalada Beshkek ay ahaayeen kuwa xun waxaana xiligii ay diyaaraddu dhacaysay da’ayay baraf iyadoona ceeryaamo daran ay jirtay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items