Daawo: Maxay Al Shabaab Ubeegsataa Hoteellada Muqdisho Mise Jiraa Wadahadal Ay lagashay Dowladda Kenya? Su'aalahaas Waxaa Ka Jawaabaya Sh.Cali Dheere.

Tuesday January 17, 2017 - 10:26:05 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 5 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Maxay Al Shabaab Ubeegsataa Hoteellada Muqdisho Mise Jiraa Wadahadal Ay lagashay Dowladda Kenya? Su'aalahaas Waxaa Ka Jawaabaya Sh.Cali Dheere.

    Hoggaanka Xarakada Al Shabaab ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalka halganka ah ee lagula jiro ciidamada shisheeye ee kusoo duulay dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir Cusub Sh.Cali Dheere oo ka qeyb galay kulan ka dhacay G/guduud
Hoggaanka Xarakada Al Shabaab ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalka halganka ah ee lagula jiro ciidamada shisheeye ee kusoo duulay dalka Soomaaliya.

Sheekh Cali Maxamuud Raage  (Sheekh Cali dheere)  Afhayeenka  Xarakada Al Shabaab ayaa wareysi dhinacya badan taabanaya oo uu siiyay Shabakadda Dalsoor wuxuu uga hadlay weerarada joogtada ka noqday Hoteellada iyo isku imaatinada ay ku suganyihiin saraakiisha DF-ka ee magaalada  Muqdisho.

Wuxuu ka Jawaabayay su’aalo dhowr ah oo uu weydiiyay saxafiga Hamza Mohamed waxaana su’aalahaasi ka mid ah sababta xarakadu u beegsato Hotellada iyo haddii ay jiraan khasaare dadka shacabka ah kasoo gaara weeraradaasi.


Sheekh Cali dheere  wuxuu sheegay in ‘Mujaahidiintu’ ay  ku dadaalaan sidii weeraradooda aysan waxyeello ugasoo gaari laheyn dadka shacabka ah balse marmarka qaar ay dhici karto in dad shacab ah wax kasoo gaaraan firirada qaraxyada.

Xarakada Al Shabaab ay waxay markale shacabka Soomaaliyeed uga digtay in ay u dhawaadaan xarumaha Bartilmaameedka ah ee ay ku suganyihiin madaxda DF-ka sida Hoteelada ku hareeraysan Makka Al Mukaramah iyo dhismayaasha xukuumadda.

Al Shabaab waxay sheegtay in marmarka qaar ay baajiso weeraro lagu qaadi lahaa cadowga sababa la xiriira iyadoo loo turayo dadka shacabka ah ee ay suurtagal tahay in waxyeello kasoo gaarto.

Dhinaca kale Sheekh Cali Dheere wuxuu soo hadal qaaday dagaalka ay kula jiraan dowladda Kenya wuxuuna sheegay in dagaalku uu sii xoogeystay tan iyo markii ay Kenya kusoo biirtay duullaanka Soomaaliya Bishii October 2011.

Hoos Ka Daawo Wareysiga oo dhameystiran ama Halkan Guji


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items