C/Raxmaan Cabdi Shakuur "Shacabka Muqdisho Maxkamadaha Islaamiga Al Shabaab Ayay Cadaalad u Raadsadaan waana Ku Kalsoonyihiin" Dhageyso.

Wednesday January 18, 2017 - 11:47:35 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    C/Raxmaan Cabdi Shakuur "Shacabka Muqdisho Maxkamadaha Islaamiga Al Shabaab Ayay Cadaalad u Raadsadaan waana Ku Kalsoonyihiin" Dhageyso.

    Wasiirkii hore ee wasaaradda qorshaynta iyo iskaashiga Caalamiga ee DF-ka Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa ka qeylla dhaamiyay musuq maasuqa iyo boobka ka dhax jira hoggaanka Villa Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii hore ee wasaaradda qorshaynta iyo iskaashiga Caalamiga ee DF-ka Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa ka qeylla dhaamiyay musuq maasuqa iyo boobka ka dhax jira hoggaanka Villa Somalia.

Cabdi Raxmaan C/shakuur oo kamid ah musharixiinta ugu cad cad ee la loolamaya Xasan Gurguurte ayaa ka shanqariyay kalsoonida ay shacabka Soomaaliyeed ku qabaan maamullada Islaamiga ah ee taabacan Xarakada Al Shabaab.

Warsame oo warbaahinta kula hadlayay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa sheegay in Cadaalad darrada iyo Nin tooxsiga ka taagan Maxkamadaha Dowladda Federaalka ay sababtay in dadka ku dhaqan gobolka Banaadir ay cadaalad u doontaan shabaabul Mujaahidiin.


"Marumeysanaysid in dadkii cadaalad darrada ka daalay ay hadda uxukun tagaan maxkamadaha Al Shabaab ogaada ama ha ogaana idinku xildhibaano ayaa tihiin” ayuu yiri Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur oo la hadlayay xildhibaano katirsan DF-ka.

Wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed gaar reer Muqdisho ay cadaalad u doontaan maxkamadaha Xarakada Al Shabaab islamarkaana ay ku qanacsanyihiin cadaaladda taala ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Mar uu sharraxaad ka bixinayay musuq maasuqa iyo cadaalad darrada kajirta garsoorka DF-ka ayuu yiri " war waxaan Musuq Maasuq ma ahan waa Boob,fasaadka iyo musuq maasuqa meel xun ayuu gaaray oo hadda nolosha ayuuba kamid noqday wax macquul ah ma ahan, wallaahi waxaa dhici karta in dadku kacdoon sameeyaan,maxkamadaha hadaad tagtid Ninkii ugu lacagta badan ayaa xukunka iska leh” ayuu yiri CC Warsame.

Siyaasigan sumcadda darran ayaa isagoo beenaale ah markaan run sheegan wuxuuna carrab dhabay wax yar oo kamid ah xumaanta ay ku kacayaan madaxda dowladda Federaalka.

Ina Cabdi Shakuur Warsame ayaa sanaddii 2009 wuxuu Kenya u saxiixay heshiis gacanta ka bixinayay Badda dalka Soomaaliya isagoo ku badashay lacago malaayiin dollar ah.

Halkan ka degso CC Shakuur oo arrimahaas ka hadlaya MP3

Related Items