Dhageyso: Axmed Madoobe oo Qiray in Al Shabaab ay Faylaha Uga dhigantahay Maamulka 'Jubbaland'.

Wednesday January 18, 2017 - 11:47:35 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Axmed Madoobe oo Qiray in Al Shabaab ay Faylaha Uga dhigantahay Maamulka 'Jubbaland'.

    Dagaal Ooge Axmed Madoobe oo kamid ah hoggaamiyaasha maamullada dabadhilifyada ah ee Soomaaliya kajira ayaa ka shan qariyay caqabado aan laga gudbi Karin oo maamulkiisa ku hor gudban.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal Ooge Axmed Madoobe oo kamid ah hoggaamiyaasha maamullada dabadhilifyada ah ee Soomaaliya kajira ayaa ka shan qariyay caqabado aan laga gudbi Karin oo maamulkiisa ku hor gudban.



Axmed Madoobe ayaa sheegay in dhibaato dhanka dhaqaalaha iyo ammaanka ah ay soo wajaheen maamulka isku magacaabay ‘Jubbaland’.

isagoo Khudbad ka horjeedinayay xildhibaanada maamulkiisa ayuu soo hadal qaaday dhaqaala xumada baahsan ee haysata ‘Jubbaland’iyo saameynta ay ku yeesheen weerarada ay fuliyaan ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Wuxuu sheegay in muddo bilo ah aan wax mushaar ah lasiin xildhibaanada iyo saraakiisha maamulka islamarkaana ay waayeen taageeradii dhaqaale oo ay ka heli jireen waxa loogu yeero Beesha Caalamka.



Axmed Madoobe wuxuu carrabka ku adkeeyay in xarakada Al Shabaab ay cuuryaamisay maamulka ‘Jubbaland’ isalamarkaana maamulkiisa ay ka dhigtay qalfoof dhax taagan magaalada Kismaayo.

Wuxuu tusaale usoo qaatay in degmooyinka ka baxsan Kismaayo ee Ciidanka Kenya heystaan aan dhanka lugta lagu tagi Karin oo ay kujiraan xaalad go’doon ah.

"waad dareemi kartaan in Nabad diidka Al Shabaab ay caqabad ku yihiin dowladda Jubbalan oo ay waddooyinka taaganyihiin, deegaanada xurta ah waxaan ku maamulnaa taleefanka kaliya iyo diyaarad aan marmar ku tagno, madaxda isma booqan karaan oo cadaw ayaa waddooyinkii fadhiya” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Hoggaamiyahan Kismaayo lagu geeyay Taangiyada gumeysiga Kenya sanaddii 2012 dhammaadkeeda ayaa ku eedeeyay Beesha Caalamka in ay meermeerinayaan oo aysan dooneyn in ay qaadaan howlgallo ka dhan ah xarakada Al Shabaab wuxuuna yiri "mar walba oo aan isdhahno qaada howlgallo ka dhan ah Shabaab waxaa dib noo dhigaya caalamka oo oranaya dagaalka waan ku wada jirnaa ee bal ukaadiya” Axmed Madoobe.

Madaxweynaha ‘Jubbaland’ wuxuu ka qeylla dhaamiyay xeeladaha dagaal ee xarakada Shabaabul Mujaahidiin gaar ahaan siyaasadda go’doominta magaalooyinka gacanta cadowga galay iyo adeegsiga weerarada dhabagalka ah.

"Tuugo kula taalla tabtaada ma weydo ayay soomaalidu tiraahdaa, kuwa nala dagaallamaya waa wiilasheeni iyo kuwa nala dhashay oo waxay adeegsanayaan tab walba” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Axmed Madoobe.

Hadalka kasoo yeeray Axmed Madoobe ayaa kusoo aadaya xilli Ciidamada wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ay fashiliyeen qorshe dhagar ahaa oo Kenya iyo ‘Jubbaland’ ku doonayeen in ay ku burburiyaan maamullada Islaamiga ah ee dhaca Galbeedka Magaalada Kismaayo.

Beesha Cowramale ayaa iyana sheegtay in ay ka ogaatay in dhinacyo cadaw ah ay shirqool u maleegayeen beesha oo ay doonayeen in ay ka dhigtaan carratuur iyadoona beeshu Heshiis buuxa lagashay Hoggaanka Xarakada Al Shabaab.

 

Halkan ka degso Axmed  Madoobe oo ka hadlaya xaaladda 'Jubbaland' MP3

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items