Madaxweyne Yaxye oo Xaalad deg deg ah Kusoo Rogay Wadanka Ghambia.

Wednesday January 18, 2017 - 11:46:46 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Yaxye oo Xaalad deg deg ah Kusoo Rogay Wadanka Ghambia.

    Madaxweynaha Wadanka Ghambia ayaa xaalad degdeg ah geliyay wadankaasi iyadoona Dowladaha Galbeedka qaaradda Afrika ay ku Hanjabeen in ay Faragelin melleteri sameynayaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Wadanka Ghambia ayaa xaalad degdeg ah geliyay wadankaasi iyadoona Dowladaha Galbeedka qaaradda Afrika ay ku Hanjabeen in ay Faragelin melleteri sameynayaan.



Hoggaanka ugu sarreeya wadanka Ghambia ayaa ku dhawaaqay in xaalad degdeg ah lagusoo rogay dhammaan gobollada iyo magaalooyinka wadankaasi.

Madaxweynaha Ghambia Yaxye Jaamic ayaa iclaamiyay xaalad Bandaw ah oo socan doonta muddo 90 maalmood ah sida uu baahiyay telefeshinka rasmiga ah ee afka xukuumadda ku hadla.

Yaxye Jaamic oo khudbad ka jeedinayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in xaaladda degdegga ah ay ka dhaqan geli doonto dhammaan magaalooyinka wadanka islamarkaana ujeedka laga leeyahay ay tahay sugidda ammaanka iyo ka hortagga wax uu ugu yeero faragelin dibadeed oo dhaawici karta madax banaaninada wadanka.



"Xaalad degdeg ah ayaa looga dhawaaqay dhammaan dhulka ay ka koobantahay Jamhuuriyadda Islaamiga Ghambia si loo adkeeyo ammaanka iyo deganaashiyahaā€¯ ayaa lagu yiri war lagasii daayay Telefeshinka qaranka wadankaasi.

Madaxweyne Yaxye Jaamic ayaa ka digay faragelin lagusoo sameeyo natiijadii kasoo baxday doorashooyinkii bilo ka hor dhacay wuxuuna sheegay in dadka Ghambia uu ku dhaqayo wax uu ugu yeero qaanuunka wadanka u dagsan.

Xaaladdan degdegga ah ee Ghambia laga iclaamiyay ayaa imaanaya iyadoo hal maalin oo qura ay ka harsantahay waqtiga madaxtinimada kaligiis taliyaha Ghambia.

Dhinaca kale Markab dagaal oo ay leedahay dowladda Naigeria ayaa kusoo wajahan xeebaha wadanka Ghambia waxaana la sheegay in uu cadaadis saarayo Yaxye Jaamac, markabka ayaa hadda ku sugan xeebaha wadanka Ghana.

Urur ay ku mideysanyihiin wadamada dhaca Galbeedka qaaradda Afrika ayaa horay u sheegay in faragelin melleteri ay ku sameyn doonaan Ghambia haddii is hortaag lagu sameeyo Aadan Barroow oo ku guuleystay doorashooyinkii madaxtinimo ee Ghambia ka dhacay.

Related Items