Shariif oo Tuuganimo iyo Musuq Maasuq Ku Eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud Rajana Ka Muujiyay in uu Noqon Doono Madaxweynaha soo socda.

Wednesday January 18, 2017 - 18:12:41 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shariif oo Tuuganimo iyo Musuq Maasuq Ku Eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud Rajana Ka Muujiyay in uu Noqon Doono Madaxweynaha soo socda.

    Shariif Sheekh Axmed Axmed Hoggaamiyihii hore ee Dowladda Federaalka ayaa markale weerar dhanka Afka ah ku qaaday Xasan Gurguurte.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shariif Sheekh Axmed Axmed Hoggaamiyihii hore ee Dowladda Federaalka ayaa markale weerar dhanka Afka ah ku qaaday Xasan Gurguurte.



isagoo warbaahinta kula hadlayay garoonka diyaaradaha caalamiga Muqdisho oo uu kasoo degay ayuu sheegay in xukuumadda Xasan Sheekh ay ku kacday musuq maasuq iyo dhaca hanti qaran.

Wuxuu sheegay in lacago malaayiin dollar ah ay bil walba kasoo xaroodaan garoonka diyaaradaha iyo dekadda caalamiga ah balse lacagtaasi ay ku dhacaan Jeebabka shakhsiyaad katirsan DF-ka.

"Madaxweyne Xasan Sheekh dhammaan wixii uu ballan qaaday waxba kama qaban, dadkii gaajo ayaa heysa ciidamadii dowladana mushaar ma qaataan iyadoo bil walba 6 malyan oo dollar ay kasoo xaroodaan dekadda iyo garoonka lacagtaas halkee ka baxday waa caddahay musuq maasuq ayaa jira”ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.



Mar uu soo hadal qaaday doorashooyinka wuxuu sheegay in Xasan Gurguurte lacago malaayiin dollar ah ku kharqiyay xildhibaanada balse isagu uu ku guulaysan doono xilka madaxtinimada.

"waxaan hubaa in 100% aan noqon doono madaxweynaha soo socda” Shariif Sheekh Axmed.

Wuxuu walaac ka muujiyay dib udhacyada tirada badan ee ku imaanaya waqtiga laqabanayo doorashada madaxtinimada dowladda Federaalka.

"Maalin walbo Muddo ayaa la qabtaa ilaa iyo hadda lama hubo waqtiga ay dhaceyso doorashada, ma is weydiisay waxaan oo dhan waxeey u dhacaayaan, waxaan u maleeynayaa Kursiga waa la jeclaan karaa laakiin waxaa la rabaa sharci kaliya, madaxna waxaa laga rabaa wixii ay ballan qaaday ineey ku dadaasho”Shariif Sheekh Axmed.

Ninkan oo ah dabadhilif xiriir wanaagsan laleh dowladda Itoobiya ayaa bilihii lasoo dhaafay socdaallo isdaba joog ah ku tagayay wadamada Kenya iyo Uganda.

Related Items