WARBIXIN: Donald Trump oo isbedello Dhanka Siyaasadda Dibadda Ah Ujeexaya Dowladda Mareykanka.

Saturday January 21, 2017 - 10:10:06 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBIXIN: Donald Trump oo isbedello Dhanka Siyaasadda Dibadda Ah Ujeexaya Dowladda Mareykanka.

    Kadib munaasabad oo ka dhacday magaalada Washington waxaa lagu caleema saaray hoggaamiyaha cunsuriga ah ee shacabka mareykanka doorteen Donald Trump.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib munaasabad oo ka dhacday magaalada Washington waxaa lagu caleema saaray hoggaamiyaha cunsuriga ah ee shacabka mareykanka doorteen Donald Trump.

Munaasabadda ka dhacday aqalka cad ee Mareykanka looga arrimiyo waxaa xilka ku wareejiyay Brack Obama, Trump ayaa durbadiiba bilaabay in uu go’aano soo saaro isagoo ka laabtay heshiiskii kala dhaxeeyay Mareykanka Urur ay leeyihiin dowladaha qaaradda Asia.

Donald Trump ayaa durbadiiba la saadaalinaya in uu isbedello dhanka siyaasadda arrimaha dibadda iyo gudaha u keeni karo dowladda Mareykanka.

Obama ayaa 8 sanadood kadib ka baxay aqalka cad waxaana aqalkaasi soo gelay Trumpa oo caan ku ah jeedinta khudbado xiisada ka kiciyay caalamka.


dadka mareykanka oo sheegan jiray in ay yihiin ilbax ayaa hadda ku dhacay bohol sababtoo ah waxay madaxweyne udoorteen Nin qeyrul mas’uul ah oo hanjabaad iyo aflagaado kusoo galay siyaasadda waxaa kasii dara in uu barakicin ugu hanjabay malaayiin qof soo galooti mareykan ah oo ubadan dadka muslimiinta ah ee kunool gobollada kala duwan ee Mareykanka.

isbedelka ku yimid hoggaanka sare ee dalka Mareykanka wuxuu sababi doonaa mashaakilad dhan walba ah oo dalka Mareykanka usoo gala.

siyaasadaha uu Trumpa wax ka bedeli doono waxaa kamid ah.

*.Wuxuu booqashadiisa ugu horraysa ku tagi doonaa magaalada qudus ee ixtilaalka kujirta wuxuuna aqoonsi iyo isbarbar taag uballan qaadayaa maamulka Yahuudda sahyuuniyadda ee xoogga ku heysta dhulalka barakaysan ee Filasdiin.

Socdaalkiisa Alqudus wuxuu sii kicin doonaa kacdoonka jihaadiga ah ee muslimiintu kula jiraan gaalada meel walba oo ay joogaan, wuxuu wajiga ka feydi doonaan xukaamta dawaaqiidda carbeed kuwaasi oo 20-kii sanadood ee lasoo dhaafay mareykanku kula dhaqmayay siyaasad laba wajiilayn ah uuna umuujin jiray in uu dhax dhaxaad ka yahay arrimaha yahuudda iyo filasdiinyiinta balse hadda arrinkaasi meesha ayuu ka baxayaa oo madaxweynaha cusub ee Mareykanka wuxuu socdaalkiisa ugu horraysa ku tagayaan magaalada alqudus waana tallaab lagu joqa joqeynayo mashaacirta muslimiinta ah, inkastoo mujaahidiinta iyo dadka hubka sita ee jihaadka kujira ay horay uga dheregsanaayeen dhagaraha mareykanka hadane tani waa mid caamada muslimiinta usii bayaaninaysa halka uu salka ku haayo loolanka socda.

Obama ayaa markii la doortay sanaddii 2009 wuxuu socdaalkii ugu horreeyay ku tagay magaalada alqaahira ee wadanka Masar halkaas oo uu ka jeediyay khudbad dhagar miiran aheyd oo uu ku seexinayay muslimiinta una muujinayay in mareykanku uusan cadaw ku ahayn, laakin Trump waxaas oo nifaaq iyo laba wajiilayn ah meel ayuu iska dhigay oo socdaalkiisa ugu horreeyay wuxuu ku tagayaa dhulka Yahuuddu gumeysato!

*.Trupma wuxuu si aan leex leexad leheyn u sheegay in maamulkiisu lacago qaan sheegad ah ka qaadi doono dowladaha khaliijka ee hoos harsanaya saldhigyada ciidanka mareykanka gaar ahaan dowladda Sacuudiga oo uu sheegay in lacago malaayiin dollar qaan sheegad ah ay ka qaadan doonaan waana isbedel weyn marka loo eego isbahaysiyadii ka dhaxayn jiray dowladaha dawaaqiidda khaliijka iyo mareykanka tan iyo bilaawgii sagaashameeyadii markii America iyo xulufadeeda ah ku duuleen maamulkii saddaan xuseen ee ciraaq.

waxaa dhici karta in Trump uu gujisyada mareykanka ee yaal qadar,baxreyn,Sacuudiga,kuweyt iyo imaaraadka uu labaxo si uu dawaaqiidda khaliijka curuushtooda ugilgilo awood dheeri ahna usiiyo iiraan iyo yahuudda.

*.Hoggaamiyaha cususuriga mareykanka wuxuu caddeeyay in siyaasad cusub uu kula dhaqmi doono Dowladaha qaaradda Yurub iyo isbahaysiga NATO, khudbado dhowr ah oo uu jeediyay ayuu ku bogaadiyay ka bixitaankii dowladda ingiriiska ee midowga Yurub wuxuuna ururkaas ku tilmaamay mid aan wax faa’iida ah uheyn shubuubta Yurub.

Trupma wuxuu taageeri doonaan axzaabta midigta xagjiryaasha nasaarada ah in ay ku guuleysteen doorashooyinka mdaxtinimada qaaradda Yurub sida Faransiiska,Holland iyo Jarmalka si uu u helo kacaan xagjir islaam naceyb ah waxaana sidaas ku burburi doono midowga Yurub oo ah awoodda 2-aad ee mareykanka adduunka kula loolanta siyaasadda iyo dhaqaalaha.

*.isbedellada kale ee ku imaan kara siyaasadda mareykanka waxaa kamid ah cilaaqaadka uu laleeyahay shiinaha iyo ruush-ka, sida Trump sheegay wuxuu aqoonsan doonaa xukuumadda Taywaan ee shiinaha ka go’day isagoo xiriir taleefan lasameeyay R/wasaaraha wadankaasi sidaas ayuuna ku jabiyay heshiis 50 sanadood jiray oo mareykanka iyo shiinaha u dhaxeeyay oo ah in aan taywaan la aqoonsan, waxaana laga cabsi qabaa in uu sidaas ku go’o cilaaqadka ka dhaxeeya mareykanka iyo shiinaha sidoo kalane uu soo dhaweysto siyaasadda ruushka ee kusaabsan ladagaalanka muslimiinta.

Related Items