USA oo Sheegtay in 300 Dagaalyahano Islaami Ah Ay Ku Dishay Duqeymo Ka Dhacay Wadamada Suuriya iyo Liibiya.

in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    USA oo Sheegtay in 300 Dagaalyahano Islaami Ah Ay Ku Dishay Duqeymo Ka Dhacay Wadamada Suuriya iyo Liibiya.

    Wasaaradda Difaaca dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in tobanaan katirsan dagaalyahanada Jamaacada Jihaadiga Fatxu Shaam ay ku dishay duqeyn ka dhacday waqooyiga Suuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Difaaca dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in tobanaan katirsan dagaalyahanada Jamaacada Jihaadiga Fatxu Shaam ay ku dishay duqeyn ka dhacday waqooyiga Suuriya.

Afhayeen u hadlay wasaaradda dagaalka Mareykanka ayaa sheegay in 100 dagaalyahan oo katirsan Fatx Shaam Ex, Jabhadda Al Nusrah ay ku dileen weerar dhanka cirka ah oo isbuucii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen gobolka Idlib ee waqooyiga Suuriya dhaca.

Jav Daves oo u hadlay Pentigon-ka Mareykanka ayaa xaqiijiyay in ay beegsadeen saldhig tababar melleteri uu ka socday maalintii khamiista.

Sidoo kale dowladda Mareykanka waxay sheegtay in ku dhawaad 200 oo dagaalyahan ay ku dishay duqeyn xagga cirka ah oo ka dhacday duleedka magaalada Sirta ee wadanka Liibiya.


Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in duqeyn oo ay fuliyeen diyaaradaha B52 ay ku dileen boqolaal qof ,saldhig ay ku sugnaayeen dagaalyahano katirsan IS faraca wadanka Liibiya.

Dowladda Mareykanka waxay ku faantay in ay dishay wax ku dhow 200 oo dagaalyahan balse faah faahin dheeri ah kama bixin qaabkii uu u dhacay weerarkaasi.

Dhinaca kale Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay Jabhadda Fatxu Shaam ayay ku xaqiijisay in maalintii khamiista 19,1,2017 duqeyn ay diyaaradaha isbahaysiga Mareykanka ka fuliyeen mucaskar ay ku tababaranayeen dhalinyaro ku biiri lahaa JF Shaam ay ku shahiideen tobaneeyo dagaalyahan.

Fatxu Shaam waxay bayaankeeda ku sheegtay in ciidamada tababaranayay ay isku diyaarinayee in ay ka qeyb galaan dagaallada lagula jiro maamulka Bishaar Al-asad.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Fatxu Shaam ayaa sheegaya in duqeynta lagu dilay 100 dagaalyahan oo ka kala tirsanaa JF Shaam iyo jamaacaad kale oo islaami ah.

Sheekh dr. Cabdalla Muxamed Al Muxeysini oo ku dhow mas’uuliyiinta Fatxu Shaam ayaa bartiisa internetka ku xaqiijiyay in duqeynta Mareykanka ee Waqooyiga Suuriya lagu dilay 100 dagaalyahan.

Dowladda Mareykanka ayaa horay liiska ‘Argagaxisada’ ugu dartay Fatxu Shaam oo horay loo oran jiray Jabhadda Al Nusrah.

Waa duqeyntii ugu khasaaraha badneed oo Mareykanku ay ugeystaan Jamaacada Fatxu Shaam ee ku xooggan waqooyiga Suuriya waxayna reer galbeedku sheegaan in kooxdaasi ay xiriir laleedahay Urur weynaha Al Qaacidda.

Related Items