Halgan Waa Magaalo Caynkee ah ? Ka Dhageyso Barnaamijka Booqashada Andalus.

Sunday January 22, 2017 - 10:14:57 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Halgan Waa Magaalo Caynkee ah ? Ka Dhageyso Barnaamijka Booqashada Andalus.

    Degmada Halgan ayaa qiyaastii 270 KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore magaalada Halgan ee gobolka Hiiraan
Degmada Halgan ayaa qiyaastii 270 KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.



Halgan waa magaalo istiraatiiji ah oo katirsan gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

Horraantii sanaddii 1935 ayay dad reer miyi iyo shaqaale ah aas-aaseen degmada Halgan xilligaasi oo dowladdii gumeysiga Talyaaniga ay fidisay wadada laamiga ah ee isku xirta Muqdisho iyo gobollada dhexe.

Barnaamijka Booqashada Idaacadda Andalus ayaa todobaadkan lagusoo qaaday taariikhda iyo xaaladda degmada Halgan, Barnaamijka oo ah mid xiisa badan waxaa lagu wareysanayaa odayaal iyo aqoonyahanno reer Halgan ah kuwaasi oo si heer sare ah uga sheekeeyay taariikhda faca weyn ee Halgan.



Wariyaha Barnaamijka diyaariyay ayaa booqday goobaha taariikhiga ah ee magaalada sida Buundada iyo togga ay caanka ku tahay Halgan.

inta Barnaamijku socdo waxaa lagu dhageysan karaa wareysiyo xiisa badan oo lala yeeshay dad goob joog u ahaa xasuuqii ay ciidamada gumeysiga Itoobiya sanad ka hor ka geysteen magaalada Halgan.

Degmada Halgan waxaa ka dhacay mid kamida dagaalladii ugu xooganaa ee lala galay ciidamada gumeysiga Itoobiya ee Hiiraan ku duullay.

Halkan ka degso Barnaamijka Booqashada Andalus MP3


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items