Qarax Gaari Looga Gubay Ciidamada AMISOM oo Ka Dhacay Waqooyiga Magaalada Muqdisho

Wednesday January 25, 2017 - 18:11:16 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Gaari Looga Gubay Ciidamada AMISOM oo Ka Dhacay Waqooyiga Magaalada Muqdisho

    Khasaara xooggan ayaa ka dhashay qarax ciidamo katirsan shisheeyaha AMISOM lagula beegsaday gudaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa ka dhashay qarax ciidamo katirsan shisheeyaha AMISOM lagula beegsaday gudaha magaalada Muqdisho.

Wararka ka imaanaya xaafadda Suuqa Xoolaha degmada Huriwaa ee waqooyiga Muqdisho ayaa sheegaya in maanta gelinkii dambe qarax lala helay kolonyo katirsan ciidamada AMISOM uu khasaara dhaliyay.

Goob joogayaal ayaa sheegay in gaari Taaw ah oo ay wateen ciidamada shisheeye uu ku gubtay qaraxa waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray ciidamada la wareeray.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in goobta qaraxu ka dhacay ay soo gaareen ciidamo farabadan oo kasoo amba baxay xerada Maslax oo saldhig melleteri ay ku leeyihiin cidamada AMISOM.


Waa qaraxii 3-aad oo maanta ka dhaca Muqdisho illaa iyo laba qarax ayaa barqanimadii maanta lagu weeraray Hoteelka Dayax ee saaran wadada Makka Al-mukarrama.


Related Items