Masjid Muslimiintu Leeyihiin oo Mareykanka lagu Gubay iyo Maxkamad kutaal New York oo diiday in Muhaajiriinta la Tarxiilo.

Sunday January 29, 2017 - 09:29:41 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masjid Muslimiintu Leeyihiin oo Mareykanka lagu Gubay iyo Maxkamad kutaal New York oo diiday in Muhaajiriinta la Tarxiilo.

    Khasaara xooggan ayaa ka dhashay dab ka kacay masjid ay muslimiintu leeyihiin oo kuyaal gudaha wadanka Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa ka dhashay dab ka kacay masjid ay muslimiintu leeyihiin oo kuyaal gudaha wadanka Mareykanka.

Wararka ka imaanaya Gobolka Taksiis ayaa sheegaya in dab xooggan uu qabsaday dhismaha Masjidka xilli ay ku tukanayeen tobaneeyo qof.

Nihaad Ciwad oo ah madaxa golaha muslimiinta Mareykanka ayaa xaqiijiyay in dabku uu baabi’iyay inta badan dhismayaasha uu masjidku ka koobanyahay.

Jaaliyadda muslimiinta gobolka Taksis waxay sheegeen in gubashada masjidka ay ka dambeeyaan kooxo cunsuriyiin masiixiyiin ah oo dhiiri gelin ka helaya Donald Trump madaxweynaha cusub ee Mareykanka.


Dhinaca kale Maxkamad kutaal magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa go’aamisay in aan lacelin Karin dadka muslimiinta soo galootiga ah ee ku xayiran garoomada diyaaradaha Mareykanka.

Haweenay qaadiyad ka ah maxkamadda New York ayaa burrisay qaraarkii kasoo baxay Trump ee amrayay in laceliyo dadka soo galootiga muslimiinta ah balse xukunka kasoo baxay maxkamaddan ma ahan mid waaraya ee mid KMG ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items