5 Qof Muslimiin Ah oo Ku Dhintay Weerar Lagu Qaaday Masjid Kuyaal Wadanka Canada.

Monday January 30, 2017 - 09:59:37 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    5 Qof Muslimiin Ah oo Ku Dhintay Weerar Lagu Qaaday Masjid Kuyaal Wadanka Canada.

    Wararka ka imaanaya wadanka Canada ee dhaca waqooyiga qaaradda America ayaa sheegaya in weerar hubeysan oo lagu qaaday Masjid ay Muslimiintu leeyihiin uu khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ka dhashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Canada ee dhaca waqooyiga qaaradda America ayaa sheegaya in weerar hubeysan oo lagu qaaday Masjid ay Muslimiintu leeyihiin uu khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ka dhashay.

inta la xaqiijiyay 5 ruux ayaa ku dhintay rasaas dablay hubaysan ay ku fureen dad ku sugnaa Masaajid ku yaala magaalada Quebec ee dalka Kanada.

Saraakiisha booliska Canada ayaa xaqiijiyay in ruux hubeysan uu weerar ku qaaday goob ay ku dukanayeen 45 qof muslimiin ah gudaha markazka islaamiga ee Quebec.

Booliska ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen laba qof  oo looga shakisanyahay in ay ku lug lahaayeen weerarka lagu qaaday masjidka muslimiintu ku cibaadaystaan.


Kaamirooyinka muraaqabada ayaa soo bandhigay rasaas ku dhacaysa jamaacada muslimiinta iyo dhaawacyo iyo dhimasho ka dhashay weerarka waxashnimo ee lagu qaaday masjidka Muslimiinta Canada.

Weerarkan wuxuu yimid maalin kadib markii  R/wasaaraha Canada uu ku dhawaaqay in dalkiisu uu gacma furan kusoo dhoweynayo dadka muhaajiriinta Muslimiinta ah ee Mareykanku ku xayiray garoomada diyaaradaha wadankaasi kadib go'aankii Donald Trum.

"kuwa lacaburiyay, kuwa cunsuriyadda lakulmay iyo kuwa kasoo firxanaya dalalka dagaalladu ka socdaan waxaad ogaataan in Canada ay gacma furan idinkusoo dhoweynayso iyadoo aan idinku kala saarayn diimihiina iyo wax aad aaminsantihiin" sidaas waxaa yiri R/wasaaraha Canada.

Dowladda Canada ayaa bilaawday siyaasad cusub oo ay kusoo jiidanayso dadka muhaajiriinta ah ee Mareykanku uu wadankiisa ka eryayo waxaana soo ifbaxay dagaal dhanka soo jiidashada muhaajiriinta ah oo Toronto ay ku iclaamiyay hoggaamiyaha cunsuriga ah ee Trump.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items