DAAWO+Akhriso: Xarakada Al Shabaab oo Baahisay Sawirro Ku Saabsan Dagaalkii Kulbiyoow Ee Ciidanka Kenya Lagu Laayay.

Tuesday January 31, 2017 - 18:52:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 20522
  • (Rating 3.8/5 Stars) Total Votes: 4
  • 8 2
  • Share via Social Media

    DAAWO+Akhriso: Xarakada Al Shabaab oo Baahisay Sawirro Ku Saabsan Dagaalkii Kulbiyoow Ee Ciidanka Kenya Lagu Laayay.

    Mu'asasada Al-kataa'ib, garabka warbaahineed ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay Sawirada weerarkii lagu xasuuqay ciidamada Kenya ee jimcihii la soo dhaafay lagu qaaday xerada ciidamada Kenya ee Kulbiyoow, Kaas oo galaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mu'asasada Al-kataa'ib, garabka warbaahineed ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay Sawirada weerarkii lagu xasuuqay ciidamada Kenya ee jimcihii la soo dhaafay lagu qaaday xerada ciidamada Kenya ee Kulbiyoow, Kaas oo galaaftay nolosha ugu yaraan 67 askari oo Kenyaati ah.

War Saxaafadeed la socday Sawiradan oo ay soo saartay Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in duulaanka loogu magacdaray "Gazwat AShaykh Maxamed Dulyadeen” islamarkaana ay fulisay Katiibada Ashahiid Saalix Nabhaan, Iyagoona sheegay in weerarkaas lagu dilay in ka badan 67 askari oo ka tirsan ciidamada Kenya.

"Maalintii Jimcaha oo taariikhdu ku beegneyd 29-ka Rabiicu-thani 1438 hijriyada oo waafaqsaneyd 27-ka bisha January, 2017-ka, waxay mujaahidiinta guutada Ashahiid Saalix Nabhaan Allaah fadligii iqtixaameen saldhigga ciidamada Kenya ee magaalada Kulbiyow, ee wilaayada Jubooyinka, kaas oo lagu dilay in ka badan 67 askari, laguna soo ganiimeystay hub iyo gaadiid military” Sidaas ayaa lagu yiri bayaanka.




Waxaa war saxaafadeedka lagu sheegay in weerarkan uu yimid sanad ka dib weerarkii Ceel-cadde oo sidan oo lagu xasuuqay gaalada Kenya, islamarkaana lagu dilay ugu yaraan 180 ka mid ah gaalada Kenya.

"Weerarkii ugu dambeeyey ee Kulbiyow wuxuu yimid sanad ka dib weerarkii barakeysnaa ee Ceel-cadde, kaas oo lagu xasuuqay in ka badan 180 askari oo soo duuleyaasha Kenyaatiga ka mid ah, laguna qabtay maxaabiis dagaal. Allaah ayaa mahadleh oo dhabeeyey balanqaadkii mujaahidiinta ee ahaa in ay sii wadi doonaan weerarada culculus ee ka dhan ah saldhigyada waa weyn ee saliibiyiinta Afrikaanta, ayna saliibiyiinta ka saari doonaan dhulkan Muslimka ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Muuqaalada la soo bandhigay waxaa ka mid ah meydadka ku dhawaad 60 askari oo ka mid ahaa askartii lagu laayey weerarka, iyo ciidamada mujaahidiinta oo jiiraya difaacyada cadowga, islamarkaana baacsanaya firxadka cadowga.

Holoc iyo uuro ka baxeysa xerada cadowga, baqtiga saliibiyiinta oo daadsan dhufeysyada xerada, gaadiid gaashaaman iyo kuwa xamuul ah oo laga kala cararay iyo halyeeyo u sii daadanaya difaacyada cadowga ayaa ka mid ah muuqaalada laga dheehan karo sawirada la faafiyey ee lagu soo bandhigay wixii ka dhacay magaalada Kulbiyow.

"Halka dowlada Kenya ay caado ka dhigatay beenta, ayna sii wado in ay iska indha tirto xaqiiqda si ay u marin habaabiso shacabkeeda, mujaahidiintu waxay faafinayaan sawirada gazwada "Asheykh Maxamed Dulyadeen” si loo muujiyo xasuuqii ku habsady gaalada Kenya.” ayaa lagu yiri Bayaanka.

Sidoo kale waxaa sawiradan laga dheehan karaa xajmiga uu gaarsiisan yahay ganiimada culus ee mujaahidiintu ay ka heleen xerada oo isugu jirtay hub, gaadiid dagaal iyo agab military.

Ugu dambeyntii waxaa bayaan fariin loogu diray shacabka Kenya kuwaas oo loo sheegay in marnaba aysan amni iyo amaan dhadhamin doonin inta dowladooda ay dulmiga ku heyso Muslimiinta.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA.

Xigasho: Alkata'ib Media

FG: Halkan waxaad Ka Heli Kartaan Dhammaan Sawirrada oo ay kujiraa Meydadka Ciidanka Kenya


Kulbiyow_001Kulbiyow_002Kulbiyow_007Kulbiyow_011Kulbiyow_012Kulbiyow_026Kulbiyow_022Kulbiyow_016Kulbiyow_015Kulbiyow_014Kulbiyow_027Kulbiyow_034Kulbiyow_001Kulbiyow_002Kulbiyow_003Kulbiyow_004Kulbiyow_005Kulbiyow_006Kulbiyow_007Kulbiyow_008Kulbiyow_009Kulbiyow_010Kulbiyow_011Kulbiyow_012Kulbiyow_013Kulbiyow_015Kulbiyow_014Kulbiyow_016Kulbiyow_017Kulbiyow_018Kulbiyow_019Kulbiyow_020Kulbiyow_021Kulbiyow_022Kulbiyow_023Kulbiyow_024Kulbiyow_025Kulbiyow_026Kulbiyow_027Kulbiyow_028Kulbiyow_029Kulbiyow_030Kulbiyow_031Kulbiyow_032Kulbiyow_033Kulbiyow_034Kulbiyow_035Kulbiyow_036Kulbiyow_037Kulbiyow_038Kulbiyow_039Kulbiyow_040Kulbiyow_041Kulbiyow_042Kulbiyow_043Kulbiyow_044Kulbiyow_045Kulbiyow_046

Related Items