Adeegga Internetka oo Muddo Saacada Ah Ka Maqnaa Magaalooyinka Waaweyn Ee Dalka Soomaaliya.

Tuesday January 31, 2017 - 18:49:05 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Adeegga Internetka oo Muddo Saacada Ah Ka Maqnaa Magaalooyinka Waaweyn Ee Dalka Soomaaliya.

    Waxaa dib usoo laabtay adeegga internetka ee inta badan magaalooyinka dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa dib usoo laabtay adeegga internetka ee inta badan magaalooyinka dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Xalay saqdii dhexe ayuu go'ay adeegga Internetka oo ay bixiyaan sedax shirkadood oo ay ugu weynihiin Hormuud iyo Global arrinkaasi oo saameyn ku yeeshay adeegyada bulshada.

Mid kamida Mas'uuliyiinta shirkadaha Internetka bixiya ayaa shabakadda SomaliMeMo u sheegay in sababta Internetka u go'ay ay aheyd adegga Fibre Optic oo la ballaarinayay.

Maanta saacaddu markii ay ku beegneed 2:10 daqiiqo waqtiga magaalada Muqdisho ayuu internetka dib usoo laabtay, maqnaashiyaha internetka ayaa saameyn ku yeeshay xawaaladaha, Bankiyada iyo qeybaha kala duwan ee warbaahinta maxalliga ah oo SomaliMeMo ay kamid tahay.


Shabakadda SomaliMeMo oo xarunteedu tahay magaalada Muqdisho ayuu maqnaashiyaha Internetka saameyn ku yeeshay waloow markii dambe xaaladdu caadi kusoo laabatay.

Soomaaliya oo kamid ah meelaha sida aadka ah looga faa'iidaysto Tignoolajiyadda casriga ah iyo isgaarsiinta ayaysan muuqan tallaab lagu adkeynayo adeegyadaasi muhiimka ah, inta badan ganacsatada ayaa dalka soo geliya badeecadaha daruuriga caadiga ah waxaana yar tartan dhanka internetka ah oo ganacsatada u dhaxeeya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items