Cumar Cabdi Rashiid oo Dowladda Itoobiya Si Dadban Ugu Eedeeyay in ay Olole ugu jirto sidii Xasan Sheekh Markale u Noqon lahaa Madaxweynaha DF-ka.

Wednesday February 01, 2017 - 18:10:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cumar Cabdi Rashiid oo Dowladda Itoobiya Si Dadban Ugu Eedeeyay in ay Olole ugu jirto sidii Xasan Sheekh Markale u Noqon lahaa Madaxweynaha DF-ka.

    Xilli dowladda Itoobiya ay dadaal dheeri ah ugu jirto in Xasan Gurguurte uu markale Hoggaanka uqabto dowladda Federaalka ayuu Cumar Cabdi Rashiid xaqiijiyay in uu jiro cadaadis xooggan oo ay kala kulmayaan mid kamida dowladaha kusoo duulay Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli dowladda Itoobiya ay dadaal dheeri ah ugu jirto in Xasan Gurguurte uu markale Hoggaanka uqabto dowladda Federaalka ayuu Cumar Cabdi Rashiid xaqiijiyay in uu jiro cadaadis xooggan oo ay kala kulmayaan mid kamida dowladaha kusoo duulay Soomaaliya.

Kadib Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu Cumar Cabdi Rashiid uga digay in markale dib loosoo cusboonaysiiyo hoggaanka dowladda Federaalka.

inkasta oo uusan si gaar ah u carrab dhabin magaca dowladda Faragelinta wadda iyo musharaxa dib loosoo celinayo hadane hadalladiisa waxaa laga dheehan karay in Itoobiya ay dadaal ugu jirto sidii Xasan Sheekh loo dooran lahaa.

"Ciidamada dalka ka jooga darteed ma ahan iney ku milmaan doorashada dalka , hada waxaan ognahay iney wadaan oo ay u ololeeyaan musharax gaar ” ayu yiri Sharmaarke.


R/wasaaraha Dowladda Federaalka ayaa qiray in mid kamida dowladaha ciidamada ugu badan ka joogaan Soomaaliya ay dadaal dheer ugu jirto sidii Xasan Gurguurte uu ugusoo bixi lahaa doorashada madaxtinimada dhowaaan ka dhici doonta magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

''Waxaa jira culeysyo nagasoo food saaraya wadamada dariska ah qaarkood oo musharax gaar ah u ol oleynaya, waxaan leenahay faragalinta naga daaya, umada Soomaaliyeed waa umad xor ah, ha loo daayo in ay aayahooda ka tashadaan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay CC Sharmaake.

Qeylla dhaanta kasoo yeertay Mas’uulkan katirsan DF-ka ayaa kusoo aadaysa xilli Xasan Sheekh uu dhowaan socdaal ku tagay magaalada Addis Ababa islamarkaana uu halkaasi kulasoo kulmay madaxda Itoobiya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in sharciyayntii heysashada dhulka Somaligalbeed ay Itoobiya abaal marin uga dhigtay Xasan Sheekh in uu markale kusoo baxo doorashada hoggaanka DF-ka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items