Fartaag oo iska Casilay Kamid Ahaashiyaha Guddiga Doorashada Kadib Markii Ay Fadeexad lagu Helay.

Wednesday February 01, 2017 - 18:23:48 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fartaag oo iska Casilay Kamid Ahaashiyaha Guddiga Doorashada Kadib Markii Ay Fadeexad lagu Helay.

    Dagaal Ooge Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo kamid ahaa guddiga loo xil saaray qaban qaabinta doorashada madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu haayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal Ooge Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo kamid ahaa guddiga loo xil saaray qaban qaabinta doorashada madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu haayay.



Fartaag oo kamid ah Jawaasiista Itoobiya ku leedahay dalka Soomaaliya ayaa la sheegay in Jeneraal Gabre u xil saaray sidii uu xildhibaanada beeshiisa uu codad uga raadin lahaa Xasan Sheekh marka doorashada lagaaro.

Shir Jaraa’id oo shalay ay magaalada Muqdisho ku qabteen musharixiinta xil doonka ah ayay ku sheegeen in Fartaag uusan dhax dhaxaad ka aheyn arrimaha doorashooyinka islamarkaana uu wado ajande lagusoo saarayo Xasan Sheekh.



Fartaag ayaa khudbad uu ka jeediyay Villa Somalia wuxuu si cad ugu sheegay in xildhibaanada deegaanadiisa kasoo jeeda ay dooran doonaan Xasan Sheekh isagoo ammaan iyo taageero kala duldhacay Ururka Damul Jadiid.

Warar kale oo horay usoo baxay waxay sheegayeen in Maamulka Axmed Madoobe uu xildhibaanada deegaanada Jubbooyinka lagasoo doortay ka codsaday in codka ay ugu shubaan Xasan Gurguurte.

Waxaa socda olole ballaaran oo ay Itoobiya maamul goboleedyada iyada taabacsan ugu cadaadinayso in xilka madaxweynaha dowladda Federaalka markale loo doorto Xasan Sheekh oo ah dabadhilif dhaqaalihii iyo dalka soomaaliya ugacan geliyay gumeysiga Itoobiya iyo Kenya


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items