Al Shabaab oo Ku Hanjabtay in Ay Kordhinayso Weerarada Ka Dhanka DF-ka Ee Magaalada Muqdisho Dhageyso.

Saturday February 04, 2017 - 08:11:03 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Ku Hanjabtay in Ay Kordhinayso Weerarada Ka Dhanka DF-ka Ee Magaalada Muqdisho Dhageyso.

    Idaacada islaamiga ah ee Alfurqaan ayaa caawa wareysi gaar ah la yeelatay Waaliga Gobalka Banaadir xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamed Xuseen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Idaacada islaamiga ah ee Alfurqaan ayaa caawa wareysi gaar ah la yeelatay Waaliga Gobalka Banaadir xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamed Xuseen.



qeybta hore wareysiga waxa uu sheekh Cali ku bogaadiyay weerarkii Deegaanka Kulbiyow ee Kenya looga laayay Ciidamada badan.

"Waxaan umadda muslimimiinta gaar ahaan umadda Soomaaliyeed ugu hanbalyeynayaa camaliyadii barakaysnayd ee Kulbiyoow laguna xasuuqay Ciidamada Kenya”ayuu yiri Sheekh Cali jabal isagoo uduceeyay intii ka qeybqaadatay Howlgalkaasi.



Sheekh Cali Jabal waxa uu soo hadal qaaday tacadiyada Ciidamada Kenya ee ka dhanka ah Muslimiinta,waxaana uu sheegay in dad badan oo la dulmiyay ay ku indho qabowsadeen waxa ku dhacay askarta Kenya.

Kenya ayuu usheegay inay la gudboontahay inay is bar qabato inta ay goori goortahay.

Xaalada Magaalada Muqdisho.

"meel kasta oo maanta Muslim uu joogo cadaadis ayuu la kulmayaa hadey tahay duullaan maskaxeed.waxbarasho iyo mid milatari,wilaayada Banaadirna waxa ay lamid tahay dhulkaasi lagu duulay”ayuu yiri Cali jabal mar uu ka hadlayay xaalada Muqdisho.

Reer Muqdisho ayaa maalmahaan aad uhadal haya weerarada alshabaab oo ka xoogan kuwii horre marka loo eego qaraxyada ay la beegsanayaan xarumaha shisheeyaha iyo kuwa Dowladda.

Sheekh Cali Jabal Waxaa la weydiiyay sababta ay ukordhiyeen tanka Qaraxyada Gawaarida ay u adeegsadaan oo dhulka dhigay dhismooyin badan oo shabaabku weerareen.

Halkan Ka Dhageyso Wareysi Sheekh Cali.

Related Items